Siyaasi Khadar Budle Oo Gudoomiyayaasha Kulmiye Iyo Ucid Ku Eedeeyey Joojinta Diwaan Gelinta

0
636

Hargeysa(Geeska):-Siyaasi Khadar Cismaan Cilmi(Khadar Budle)  oo ka mid ah dhalinyarada siyaasiyiinta ah ee dalka ayaa ka hadlay go,aanka dib loogu dhigay diwaan gelinta codbixiyayaasha somaliland.

1

Khadar Budle shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu dhaliil xoogan u jeediyey gudoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay u danaynayaan deegaanada ay ka soo jeedaan oo kaliya.

Ugu horayn siyaasi Khadar Budle oo ka hadlaya diwaan gelinta la joojiyey ayaa waxa uu yidhi “Marka hore waxaynu ilaahay ka baryeynaa inuu abaaraha inaga jabiyo, ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu dadkaas iyo xoolahaas abaaruhu hayaan uu ka dulqaado oo uu roob siiyo, waxa jirtay in diwaan gelintii la hakiyey, waxaanay ka soo qabsoontay goboladii ay abaarta ugu adagi ka taagnayd, waxaana ka mid ahaa gobolka Awdal oo ilaa maanta lagu dhimanayo diwaan gelintu ay socotay, doorka ay ku lahaayeen guddida doorashada iyo xisbiyada qaranku waxa uu ahaa dadka wixii kaci karayaa inay kacaan oo ay is diwaan geliyaan wixii kalana in layskaga tago, way ka soo gudubtay iyada oo abaartii iyo biyo dhaamintii socoto ayaa waxa laga qabtay gobolada Saaxil, Hawd Iyo Gabiley oo ilaa imika ay ka socoto, dadka goboladaasina in badan ayey ku qayliyeen in laga joojiyo xaaladuna ay adag tahay, sheekh iyo shariifba way hadleen cid u joojisayna may jirin, guddida doorashaduna waxay soo gudbinayeen inaan hal daqiiqad ah laga badali Karin jadwalkooda, waxaana hada muuqda isbadal, isbadalkaasina nooca uu doono salka haku hayee doorka xukuumada iyo xisbiyadu waa mid muuqda, xukuumadana waajibaad ayaa ka saaran inay dadka u gurmato, gobolka Awdal-na gurmad ayuu u baahan yahay ee diwaan gelin la joojiyo  uma baahna”

Siyaasi Khadar Budle oo hadalkiisa sii wata ayaa gudoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ku eedeeyey inay ka danbeeyeen in diwaan gelinta la joojiyo waxaanu mar kale yidhi “Cida joojisay diwaan gelinta waxaanu u aragnaa inay yihiin  labada gudoomiye xisbi ee Kulmiye iyo Ucid iyaga oo ka duulaya deegaanada ay ka soo jeedaan ayaa waxay qaranka khasab kaga dhigeen oo lagu taageeray inuu mid waliba deegaankiisa ka joojiyo iskuna raacaan,  umada kale ee Somaliland-na aanay saacadaas laga bilaabo gudoomiyayaal xisbi u ahayn, mid waliba deegaanka uu ka soo jeeday uu khasab kaga dhigay in diwaan gelinta laga joojiyo xukuumaduna ay ku taageertay, arintaasna aad ayaanu  uga soo horjeednaa oo aanu u canbaaraynaynaa waayo waxaanu ka tirsanahay  goboladii diwaan gelinta laga galay hadana ay ka socoto, 200km ayaa dumarka umusha ah caruurtoodu ka imanayeen oo lagu quudinayey goobaha diwaan gelinta ilaa maantana ay ka socotaa oo aanay jirin dawlad u soo gurmatay, guddida doorashaduna markii aanu nidhi hala hakiyo oo sheekh iyo shariifba hadleen ay yidhaahdeen saacad lama badali karo, guddidii doorashaduna ma waxay noqotay mid kulmiye iyo Ucid maalinba waxay doonaan ay ku yidhaahdaan oo qaata, waxaanu leenahay oo aanu soo jeedinaynaa arintaas waa arin midab takoor ah, waa arin lagu kala saarayo dadka oo aan loo sinayn, gudoomiyahaasha xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye waxaan leeyahay umada gudoomiyayaal ayad wada  u tihiin ee maaha in deegaanada aad ka soo jeedaan ka fikirtaan oo aad ka joojisaan diwaan gelinta, maanta dadku gurmad ayey u baahan yihiin ee uma baahna diwaan gelin laga joojiyo.”

Sidoo kale siyaasi Khadar Budle waxa uu ka waramay kaalinta ay dawladu ku leedahay gargaarka la gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.