Hargeysa(Geeska)-Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ah Siyaasi Madaxbanaan horena ugu dhawaaqay in uu yahay murashax kali ah Doorashadda Madaxweynaha ee 2017-ka, si madaxbanaan uga qaybgeli doono, ayaa ka hadlay arimaha Xeerka Saami qaybsiga doorashadda Xildhibaanadda Wakiilada lagu dooran doono iyo shaqaaqooyinka reer Saaxil ee Maalgashiga Dekedda Berbera oo uu ku baaqay in si degenaasho ah oo Caqli ku dheehan yahay loo dhameeyo.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo doorashaddii 2012-kii golaha deegaanka urur Siyaasaddeedkii Iftiin iska sharaxay balse kala saaristii ururadda ku hadhay, ayaa shir Jaraa’id oo uu shalay Hargeysa ku qabtay, waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay Xeerka Saami qaybsiga Xildhibaanadda lagu dooran doono ee Saddexda Xisbi qaran ku celiyeen in uu isna baarlamaanka dib ugu celiyo si Kaabis loogu sameeyo, waxaanu sido kale Baaqyo ka diray shaqaaqooyinka Magaaladda Berbera ku soo noq noqday oo uu Xukuumadda si mudo karnimo ah talooyin uga siiyey.
Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ugu horeyn ka hadlaayey talooyin uu xeerka Saami qaybsiga Baalamaanka ugu jeediyey wuxu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliland in aanu hadal uun ka noqon arimaha diyaar garawga doorashooyinka soo socda ee ay hore uga sii socdaan oo wixii umadda u dan ah ay si dhakhso ah ugu dhaqaaqaan, waliba talo ahaan waxaan ku soo jeedinlahaa maadamo oo Sadexdii Xisbi qaran ay arinta Saami Qaybsiga Doorashadda Xildhibaanadda Baarlamaanka dib ugu celiyeen Madaxweynaha, waxaan ku baaqayaa madaxweynuhuna in uu Baarlamaanka dib ugu soo celiyo si loogu kaabo wixii kale ee muhiim ah ee loo baahan yahay sida Murashax madaxbanaan oo doorashadda Saddexda Xisbi kala qaybgala”
Guddoomiyihii urur Siyaasadeedkii Iftiin oo hadalkiisa baaqyo iyo talooyin kala duwan u kala diray Xukuumadda, dadka reer Saaxil iyo nabadeyntii dhawaan Beelaha Bariga Somaliland ku dagaalamay wuxu yidhi “Dilkii ka dhacay Gobolka Saaxil ee Marxuun Taliye Caseyr runtii wuxu ahaa dil Fool xun, waana iska dhacaan waxani oo kale oo waa qadar Illaahay oo naf dhimaneysa cidina ma celin karto, labada Beelood oo falkani ka dhex dhacay waa laba beelood oo isku dhaqan ah oo isku xeer ah isku deegaan ah oo dad walaalo ah, waxaan leeyahay waar marna kala tegi meysaan haday wax kasta dhacaan ee xal wada hadal iyo si sharaf leh arinta ha lagu dhameeyo , arinta dekedda lafteeda intii uu warkeedu soo baxay waxyaabo qalad iyo saxba ah arinteedu way iskugu jirtaa horena waan uga hadlay dawladda waxaan ugu baaqayaa bal horta cadaadiska faraha badan ka qaada reer Berbera waa dadkiiniiye, ta labaad ee aan xukuumadda u sheegayaa waxa weeye dadka qanciya mid iyo lababa haw dirina ee arinta maalgashiga Dekedda qof iyo qof iyo laba ha kala tashanina ee balaadhiya, dhanka kale Beelihii dhawaan ku diriray Beelaha Goboladda Bariga Somaliland, waxaan ku hambalyeynayaa Is afgaradka ay nabadgelyada ku gaadheen waxaan leeyahay sidaas ayuu wanaagu ku jira ee arinta wada hadalka iyo walaaltinimada ku dhameeya , waxaanan ALLE uga rajaynayaa in aan khilaaf dambe ku soo noqon oo colaadu sida ku dhamaato oo sida ku heshiiyaan”
Md Obsiiye ugu dambeyn wuxu talo iyo Hambalyo u kala diray Madaxweynayaasha Turkiga iyo Jabuuti waxaanu yidhi “Qodobka ugu dambeeya ee aan ka hadlayaa waxa weeye fariin aan u diraayo Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo aan leeyahay waxba ha ka aargoosan shacabkaaga ee Cafiska u badi Illaahay wuxu jecel yahay dadka wax Cafiya , waxa kale oo aan halkan hambalyo uga dirayaa madaxweynaha dalka Jabuuti oo Siyaasad wanaagsan ka ciyaaray shirkii dawladdaha Carabta waa shirkii 17aad ee dawladdaha Carabta ee Murutaaniya ka socday oo uu kaga hadlay Islaamnimada, dhalinyaronimadda iyo waxyaabaha ay maanta u baahan tahay Carabtu, Ismaaciil Cumar Geele waa nin mudan in lagu daydo”