Shirkada Alla Magans Oo Hay’adaha Garsoorka Uga Mahadcelisay Go’aanka Ay Ku Soo Afjareen Dacwad Muddo Ka Socotay Dhul Ku Yaala Beerta Kala Jeexan

0
508

Hargeysa, (Geeska) – Wakiilka Shirkadda Allamagans Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji Ismaaciil ayaa hay’addaha Garsoorka ku bogaadiyey go’aan ay ku soo afjareen dacwad muddo dheer ka socotay dhul Shirkaddaasi ku leedahay Buurta-Kala-Jeexan ee Caasimada Hargeya, taas oo ay soo gunaanaday Maxkamada Sare.

Wakiilka Shirkaddaasi AllaMagans waxa kale oo uu sheegay in hay’addaha fulinta ee xukuumada iyo ciidanka amaankuna ay fuliyeyeen xukunka Maxkamaduhu ay ka soo saareen dhulkaasi, isagoo tilmaamayna in dacwada dhulkaasi ay hay’adaha garsoorka ay ka bilaabantay sanadkii 2000.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji Ismaaciil, Wakiilka Shirkadda AllaMagans oo qoraal uu ku faahfaahinayo marxaladihii ay soo martay dacwada dhulkaasi mudadii ay ka socotay hay’adaha garsoorka iyo sidii go’aanka ay uga gaadheen.

Qoraalkiisuna waxa uu u dhignaa sidan:- “Aniga oo ah wakiilka Shirkadda AllaMagans Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji Ismaaciil ayaa waxaanu maanta door-bidnay inaanu faahfaahin iyo sharaxaad ka bixino dhul ay shirkaddu ku lahayd cidhifka galbeed ee caasimada Hargeysa gaar ahaan Buurta-Kala-Jeexan oo dacwadeedu ka bilaabantay hay’adaha garsoorka sanadkii 2000. Taas oo maxkamada sarena ay go’aan kama dambays ah ku soo gunaanaday dacwadaasi dhul, badhtamihii August ee sanadkii 2014-kii.

Kuwaas oo ay ka go’aan gaadheen dacwadaasi dhul oo ay ugu dambayntii ka gar-naqeen

gudoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cabdi iyo Garsoorayaasha kala ah Yaasiin Xasan Ismaaciil iyo Maxamed Cumar Geelle, Oo Muujiyey xilkasnimo cadaaladeed, Maxkamada Sare oo uu Hogaaminayey Gudoomiye Yusuf Ismaaciil Cabdi ayaa Soo Bandhigay Tayo Cadaaladeed oo muujinaysa in ay u qalmaan in ay maamulka Garsoorka ugu sareeye ee Qaranka JSL si xaq iyo Cadaalad ah u kala saaraan Muwaadiniinta Qaranka JSL. 

Sidoo kale waxa dacwadaasi dhul, hore uga gar-naqay maxkamada rafcaanka Gudoomiyaheeda Cabdirashiid Maxamed Duraan sanadkii 2006-dii, Waxaa Nasiib wanag noo ah in Gudoomiye Cabdirashiid Duraan uu manta yahay Garsooraha Maxkamada Rafcaanka, taas oo muujinaysa Kalsoonida Buuxda ee Bulshada Qaranka JSL ku qabaan cadaaladiisa.

 sidoo kale 2003 waxa dacwadaasi dhul ka garnaqay gudoomiyihii hore ee Maxakamada Gobolka Hargeysa Sheekh Faarax Nuur Maxamed, iyadoo guddida dacwadaha dhulka ee gobolka Maroodi-Jeexna ay ka garnaqeen 2013-kii, kuwaas oo uu guddoomiye u ahaa Maxamed Cabdi Jaamac, xubnona ay ka ahaayeen Jaamac Ismaaciil Cige iyo Cabdiraxmaan Cismaan Ducaale. Waxa kale oo dacwadaasi dhul, Gunaanad keedii qayb libaax ah kaqaatay  Guddida Cadaalada oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha dawladda Nuux Sheekh Cumar Sheekh Muuse Ducaale, oo naftiisa isxilqaamay muujiyeyna, waayo aragnimo iyo in uu soo afjaro Dacwadan mudada dheer socotay, isaga oo wakhtigiisii muhiimka ahaa geliyey, taasina fudaysay xal u helka dacwadan.

Waxa sidoo kale dacwadaasi dhul ka fulitaankeedii go’aana ka soo saaray guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi .

Dacwadaasi dhul waxa garyaqaano ka ahaa Khubarada Sharciyada Madaniga iyo Ciqaabta ee Maxamed Jaamac Cabdi iyo Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) oo mudo dheer kusoo jiray, kuna guulaystay in ay Maxkamadaha ka soo afjaraan, fuliyaana dacwadan.

Dhinaca fulinta dacwadaasi dhul waxa ka qayb-qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cali Axmed, Taliyaha Bileyska Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliye ku xigeenka Bileyska Cabdiraxmaan Fooxle, Taliyaha hawlgalinta Bileyska Maxamuud Ducaale, Taliyaha qaybta Bileyska ee Galbeedka Maxamed Maxamuud, Taliyaha Saldhiga Koodbuur Cabdisalaan Caydiid iyo Ciidamada Amaanka ee hawshaasi u xil-saarnaa.

Hadaba shirkadda AllaMagans waxay halkan ka cadaynaysaa in go’aankaasi hay’addaha garsoorku ka soo saareen dhulkaasi iyo qaabkii ay uga garnaqeenba ay si buuxda ugu bogaadinayso masuuliyiintii hay’adaha garsoorka ee dacwadaasi ka garnaqay iyo masuuliyiintii fulinteeda u xil saarnaa.  Taas oo ay shirkaddu ku bogaadinayso sida ay usoo afjareen dacwadaasi dhul ee mudada dheer socotay iyo sida loo dhaqan galiyey fulinteeda.

Waxa kale oo ay shirkadda AllaMagans ay mahadnaq gaar ah uga jeedinaysaa Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga Mujaahid Xasan Gure Jaamac, Xildhibaanada kala ah Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho), Xildhibaan Maxamuud Jaamac Xaaji Cilmi (Dable), Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiir ku xigeenka Cadaalada Cabdirashiid Cabdilaahi Cismaan  oo iyaguna runtii nagu dhiiri-galiyey samirkii iyo dulqaadkii aanu u yeelanay mudadii ay dacwada dhulkaasi socotay, Gidigiin Abaalkiina Magudikarno.