Hargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa khudbadii Jimce ee shalay wuxuu farriimo waano ah ugu diray golaha wakiilada oo maanta cod u qaadaya xeerka baananka oo ay culimadu ku tilmaantay inuu yahay mid ribo ogolaanaya.
Sheekh Maxamed, wuxuu xildhibaanada ugu baaqay inay cilmi u raadiyaan codayntooda ka hor “Maalmahan muran ayaa ka taagnaa xeerar golaha yaala, xeerkaas oo iyaga laftoodu ay cadeeyeen, qayb ka mid ahi inuu xeer ribo ah yahay, ehelkaas meesha wada fadhiya qayb ka mid ah ayaa cadeeyay inuu yahay xeer ribo ah, xeerkaas asalkii waxa laga keenay wadanka Kenya, waa xeer markiisa horeba uu bilowgiisu odhanayo xeerkani xeer islaamiya maaha, ka dibna ay macruuf yihiin qodobada ribada ah ee ku jiraa.” ayuu yidhi Sheekh Maxamed, waxaanu intaas raaciyay in baaqyada culimadu ay yihiin kuwo nasteexo u ah bulshada balse aanay ahayn kuwo salka ku haya ujeedooyin kale, waxaanu sheegay in qofka Muslimka ah looga baahanyahay inay laba qodob dareenkiisa kiciyaan kuwaas oo kala ah masuuliyada iyo Iimaanka. “Waxa na soo kiciyay waa nasteex, dagaal maaha, cayna ma taalo, fawdana ma taalo, ku qabsina ma jiro, laakiin waa nasteex. Nasteedaxa koowaad waxa weeye intaydaan u codaynin u cilmi raadiya.” ayuu yidhi Sheekh Maxamed oo la hadlaya golaha wakiilada, aadna uguna dheeraaday dhibaatada adduun iyo aakhiro ee ay ribadu leedahay.
Wuxuu Sheekh Maxamed sheegay in la isla wada ogolyahay in dalku u baahanyahay horumar dhaqaale iyo maalgelin, “Waase inay noqdaan horumar dhaqaale iyo maalgelin xalaal ah.” ayuu yidhi.
Sheekh Maxamed, oo la hadlaya ganacsatada, wuxuu yidhi “Nasteexada tijaarta iyo ganacsatada u jeedinaynaa waxa weeyen, culimadu ma kala jecla ganacsatada, waa wada tijaartoodii, kuwii wax u soo baxeen ee dalka u dedaalay ee sii joogay, waxaanu leenahay Alle ha idiin barakeeyo, umadana u naxariista haddii la cawday oo la yidhi waxbaa qaali garoobay. Qolyaha kale ee doonaya inay ku soo biiraan ee laga yaabo qaarkood inay baanankaas ribada ah door bideen, waxaynu leenahay ku soo dhawaada laakiin shay xalaala oo maal xalaala inoo keena. Baanan islaamiya oo xeerkoodu xalaal yahay inoo keena.”
Sheekh Dirir, wuxuu ku taliyay in culimada, madaxda dhaqanka, madaxda siyaasadda iyo maalqabeenadaba ay mar walba muujiyaan is afgarad oo ay arrimaha soo kordha ka wada hadlaan, “Ma yaqaano islaamku mucaarad iyo muxaafid dagaalamaya, laakiin waa la is kabayaa oo waa la is toosinayaa.” ayuu yidhi Sheekhu.
Wuxuu Sheekh Maxamed, khudbadiisa ku soo hadal qaaday xildhibaan aanu magacaabin oo uu sheegay inuu jeediyay hadalo uu ku duray culimada dalka, “Maantana nin goleheena u hadlay, intuu soo fadhiistay ayaa wuxuu yidhi wadaadadu jimcaha ribada ayay dadka ka wacdiyi doonaane inaanay waxba ka dhagaysan, oo waxba kama jiraan waxaas ay akhriyayaan. Ninkaasi waxay clumadu u arkeen inuu golaha baarlamaanka u hadlayo, sababtay ugu arkayaana waxa weeye culimaduu u jawaabay, golaha baarlamaankuna arrinkanay ka doodayeen.” ayuu yidhi, waxaanu golaha u soo jeediyay inay ka jawaabaan hadalka xildhibaankaas, haddii aanay la qabin weerarka uu culimada ku qaaday.
Sheekh Dirir, wuxuu sheegay inaanay jirin ujeedo kale oo ay culimadu ka leeyihiin mawqifka ay kaga soo horjeesteen xeerkan, balse ay tahay oo keliya shareecada.
Sheekh Dirir, wuxuu ugu dambayn soo jeediyay inaan daliil loo soo qabsan waxyaabo aan macno lahayn, islamarkaana cidda doonaysa horumarka dalku ay wadanka keenaan baanan islaamiya oo aan ribo lahayn, kuwaas oo uu sheegay inay wadanka ku soo kordhin doonaan horumar iyo maalgashi.