Shantii Xildhibaan Ee La Xidhay Oo Xalay La Soo Daayay

0
621

Picture3Hargeysa(Geeska)-Taariikhda Somaliland waxa markii u horaysay shalay xabsiga loo taxaabay shan xildhibaan oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland oo ah xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda xukuumadda Somaliland, waxaana la soo daayay cawayskii xalay.

Xildhibaanadan oo kala ah xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa oo ah guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddiga shuruucda iyo xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada, xildhibaan Jaamac Xasan Aaden, Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Maxamed Saalax oo sameeyay dibad bax salmi ah oo ay gacmaha is wada qabsadeen. Waxa kale oo la xidhay saxafiyiin gudanayay waajbaadkooda shaqo. Waxaanay ciidamada Boolisku shalay markii ay xildhibaanada qabanayeen kor u rideen rasaasta nool, inkastoo aanay ciddina waxba ku noqon.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa xadhiga xildhibaanadan ku tilmaamay distoor jebin, maadaama oo ay yihiin xildhibaano la soo doortay oo leh xasaanad gaar ah oo sharaftooda damaanad qaaday. "Waxaa ayaan darro ah in mudanayaal ka tirsan golaha wakiiladu oo caadi u socda,oo aan hubaysnayn,oo waxba sidanin,oo shacbi la hadlaya,in la garaaco,oo la jidh dilo,lana xidho,taas oo ka soo horjeeda dastuurka oo leh xasaanad buuxda oo ah in aan la xidhi karin,illaa iyo laga qaado xasaanadiisa,cid xasaanad ka qaadayna ma jirto,golaha ayaa la soo waydiista sida uu sharcigu yahay,oo ay maxkamadu warqad u soo gudbisaa,inta ka horeysana cid xidhi kartaa ma jirto"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Wasiir-xigeenka amniga ayaa xildhibaanada xidhan ku eedeeyay inay nabaro gaadhsiiyeen ciidamo Boolis ah, isagoo sheegay in sharciga la horgayn doono.

Madaxweyne Siilaanyo oo shirjaraa’id oo ay xaaladu qasabtay qabtay, ayaa sheegay inay xildhibaanadu ixtiraam mudanyihiin balse aanay haddana sharciga ka saraynin. “xildhibaanadu xasaanada ay leeyihiin inay qas ku kacaan maaha ilayn sharcigama kama eynee, xildhibaanada qadarin ayay mudanyihiin, laakiin wixii sharciga ku xad gudba sharciga kama weyna.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Xalay cawayskii ayaa lagu guulaystay in la soo daayo shanta xildhibaan oo lagu xidhay xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.