Saylici Oo Ka Waramay Kulan Shalay Dhex Maray Ganacsatada Iyo Dawlada

0
571

Hargeysa(Geeska)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa ka hadlaya waxyaabaha lagaga wada hadlay kulan shalay ka dhacay madaxtooyada oo dhex maray dawladda Somaliland iyo ganacsatada dalka.

1111111111111

Md. Saylici oo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkaas la iskula gartay in kor loo qaado lacagta Somaliland oo uu sheegay inuu ku socdo hoos u dhac xawli ahi, waxaanu sheegay in guddi uu isagu guddoomiye u yahay oo uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ay soo saari doonaan go’aamo, ka dib markii ay kulamo la yeesheen dhammaan cid kasta oo ay khusayso, “Xogahaas markaanu isu geygaynay waxa meesha ka soo baxday dhibatada ugu weyn ee meesha ku jirtay inay ahayd qiime dhaca deg dega ah ee sannadkii ama labadii sanno ee u dambeeyay  lacagteena ku yimid in lacagteena isticmaalkeedu yaraaday taasina ay keentay in lacagteenu istaagto oo aynu dhammaanteen eed ku wada leenahay dawlad ahaan iyo shicib ahaanba oo aynu ku tiirsanay dhammaanteen Dollar, taasina waxay keentay in lacagteenii ku ururto banigaga iyo sariflayaasha.” ayuu yidhi Saylici, waxaanu intaas raaciyay “Waxa la go’aansaday go’aano hordhac ah sidii lacagta loo dhiirigelin lahaa, waxaana la isla qaatay maanta laga bilaabo in lacagta Somaliland la isticmaalo oo la qiime geliyo. Waxa kale oo la gartay in bangiga Somaliland la xoojiyo oo qiime loo yeelo, in bangaga la xoojiyo oo raasamaal loo sameeyo. markaas go’aamadu way soo bixi doonaan waxase aanu ugu dambayn maanta la shirnay ganacsatada Somaliland, waxaanu isla garanay khaladaadka ay lacagteenu ku qiimo dhacday,w axaanan isla garanay in la dhiirigeliyo socodsiinta iyo dhiirigelinta lacagteena.”

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac.