Salaadiintii U Xidhnayd Xiisada Waqooyiga Hargeysa Oo Dacwadoodu Beri Bilaabmayso

0
568

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa khamiista beri bilaabaysa dhagaysiga dacwadda lagu soo oogay Salaadiin, cuqaal iyo dhallinyaro kale oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii bishii hore lagu qaaday goobta diiwaangelinta ee waqooyiga Hargeysa.

1

Dadkan oo ka kooban 16 ruux, kuna xidhan xabsiga Mandheera, waxa dacwadoodu ay ka bilaabmaysaa hool ay maxkamadu ku leedahay magaalada Mandheera, waxaana sida ay saraakiisha maxkamadu Geeska Afrika u sheegeen deegaanka Mandheera tagaysa maxkamadda wareegtay ee gobalka Maroodi-jeex, waxaanay saraakiisha maxkamadu sheegeen in dhagaysiga dacwadu si rasmi ah u bilaabmayso khamiista beri.

Salaadiinta, cuqaasha iyo dhallinyarada kale ayaa lagu eedeeyay inay dambeeyeen weerarkaas, halka ay iyaguna beeniyeen inay lug ku lahaayeen weerarkaas, waxaanay dad badani isha ku hayaan dacwadaas oo ah mid muddo la sugayay.