Hargeysa(Geeska)- Shirkadda daabacaadda xayeysiisyada casriga ah ee SAGALJET, ayaa soo bandhigtay buugga Bad Macaan oo lagu ururiyey qayb ka mid ah suugaanta Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey) oo in ka badan shan iyo kontan sanno ku hawlanaa fanka iyo suugaanta Soomaalida.
Daah-furka buugga Bad Macaan oo lagu ballaysimay xaflad lagu qabtay huteelka Maansoor habeenkii Jicihii, kana qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, Abwaan Xasan Ganey laftiisa, aqoonyahan iyo qoraal badan, rag ajnebi xeel-dheerayaal iyo cilmi-baadhayaal afka Soomaaliga ah iyo boqolaal marti sharaf u badnayd dhallinyaro oo uu hayey xiisaha Abwaan Xasan Ganey iyo suugaantiisa oo buux-dhaafiyey hoolkii loo goleeyey shaacinta buugga, kadibna sababtay in barxad dibadda ah loo dhigo kuraas iyo cod-baahiyayaal ay kala socdaan khudbadaha.
Furitaankii xafladda waxa ka hadashay Muna Axmed Cumar oo ah Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Sagaljet oo iyadu daabacday buuggan cusub, kaas oo soo ifbixiisa ay ku astaysay diiwaan suugaaneed oo mar kale ku biiray maktabadda qoraalka suugaan Afka Soomaaliga oo ururintiisa iyo daabacaaddiisu badbaadisay miiddii fanka Abwaan Xasan Ganey oo lumi lahayd, “Shirkadda daabacaadda casriga ah ee Sagaljet waxay ku faraxsan tahay inay mar kale daabacdo, isla markaana qayb ka ahaato soo ifbixidda buuggan Bad-macaan iyadoo hore u daabacday buugaag hore oo miisaan lahaa oo laga reebay qaar ka mid ah suugaanyahankeenna, waxaanay Sagaljet mar kasta diyaar u tahay ka qaybqaadashada iyo kor-u-qaadista dhiganayaasha Afka Soomaaliga, waanuna soo dhawaynaynaa cid kastoo rabta inay buug qorto weliba daabacdo,” ayey tidhi Muna Axmed.
Qoraagga Buugga Bad Macaan Maxamed Axmed Xasan (Qodax), ayaa ka warramay heerarkii uu la soo maray diyaarintiisa oo ku qaadatay muddo toddoba sanno ah, isagoo ururinta suugaanta ku xardhan u maray meelo badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco iyo Jigjiga, isla markaana markii uu dhammeeyey uu u dhiibay qoraagga Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo tifaftiray, iskuna dubariday.
“Buuggan Bad Macaan waxa uu suugaanta Abwaan Xasan Ganay ka noqonayaa 25%, waxa daba socda buug kale oo isna la yidhaa Qaneecaad oo aannu filayno inuu dhawaan soo bixi doono oo isna noqonaya 25%, markaa suugaanta abwaanka waxaannu ilaa hadda haynaa 50%, halka inta kale oo ah 50% ay tahay wax aanaan gaadhin iyo wax ku lumay dagaalladii la soo maray, sidaa darteed, waxaan filayaa in inteenna halkan fadhida iyo inta kale ee maqanba ay u taalo sidii aynu u soo ururin lahayn suugaantaa weli maqan,” ayuu yidhi Mr. Qodax.
Waxa kaloo uu u mahadceliyey dadkii gacanta ka siiyey soo saarista buugan oo ay ka mid yihiin qoraaga Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), Abwaan Axmed Aw Geedi iyo suxufiga Cali Jaamac Maxamed iyo weliba shirkadda Sagaljet oo iyadu hal-bawle u ahayd.
Abwaan Axmed Aw Geedi oo isagu madasha kaga sheekeeyey taariikh nololeedka Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey) iyo noocyada suugaantiisa ee xiisaha gaarka ahi weheliyo, waxa uu sheegay in Abwaanku ku dhashay deegaanka magaalada Bullaxaar ee Gobolka Saaxil sannadkii 1947, kadibna markii da’diisu ahayd 13 sanno jir uu galay magaalada Berbera, isagoo wixii ka dambeeyey oo uu shaqaale xoogsade ah ka ahaa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxa sannadkii 1967 loo qaatay ciidankii xoogga dalka Soomaaliya oo uu ka mid noqday ciidankii Kamaadowsta ee Koofiyad-casta. Haseyeeshee, bilowgii 1970-kaadkii uu mar qudha ka soo dhex ifay bahdii fanka ee geyigii Soomaalida oo ay qabsatay suugaantiisii, iyadoo heestii ugu horreysay ee uu sameeyey ahayd heesta Dal-jirka-dahsoon oo soo baxday 1972, intaas kadibna uu alifay riwaayado fara badan oo si wayn looga daba-dhacay oo ay ugu horreysay riwaayadii Dab-jacayl-kariwaa oo soo baxday sannadkii 1974-kii, “Waxa uu sameeyey riwaayado badan oo ay ka mid yihiin; Dab-jacayl-kariwaa, Jin iyo Jacayl, Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii innankayga, Galbeed waa la xorreeyey oo Waarsaa Gaagixisay, Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa, Masiibadu Adduunyada iyadaa u macallin ah, Daajiyaaba ka maal iyo riwaayad aan ifka arag oo la yidhaa Dhaqankeenna iyo Dhaliisha Casriga,” ayuu yidhi Abwaan Axmed Aw Geedi oo intaa ku daray sharraxaad uu ka bixiyey suugaantii xiisaha iyo farshaxanimadu ku dheehnayd ee Abwaan Xasan Ganey sameeyey oo uu ka soo qaatay qaybo iyo baydad ka mid ah riwaayaddii Dab-jacayl-kariwaa, maansadii magaceeda la odhan jiray ‘Ka Dartaye ma Dibi baa maxay dihatay maansadu’ ee abwaanku kaga qaybgalay Silsiladdii Deelay iyo weliba heestii Gorgor ee uu ka sameeyey Gorgorkii yimi Hargeysa ee jeclaaday Ri’da.
“Abwanku waxa uu madi ku yahay falkinta heesaha dhaqanka ah, waxaana tixaha tisqaaday ka mid ah; Dhaqan, Dalsan, Sayla, Galiilay iyo qaar kale, sidoo kale dhinaca geeraarada ayaan Xasan lagaga daba dhufan. Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey) suugaantiisu waa badwayn aan gunteeda la gaadhin, waxaanna nasiib-wanaag ah Xasan iyo suugaantiisu way is leeyihiin ee laba qof ma kala laha,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Abwaan Geedi.
Sidoo kale, qoraagga Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa isna iftiimiyey muuqaalka ay leedahay suugaanta Abwaan Xasan Ganey, waxaannu yidhi, “Maansada suugaanta ama fanka Xasan Ganey guud ahaanba baadi-sooc gaar ah oo inta la wadaagi kartaa ay iskaba yar tahay ayuu leeyahay, maanso ku aroorta dhaqan iyo diin aan meel cidlo ah heehaabayn, curin iyo maanso aan marriiban humaagyada ugu quruxda badan ee lagu nooleeyo suugaan Soomaaliyeed, curin iyo maasno ka dhalatay khayaal iyo mala’awaal dabarka goostay oo soodimaha soo celin karaa ay yar yihiin. Haddaba, diiwaankani wuxuu noqon doonaa dugsi laga barto guud ahaanba hababka loo falkiyo maasanada Soomaaliyeed, wuxuu noqon doonaa macallin aan ka dheeraan da’yarta u harraadan suugaanta iyo afkooda hodanka ah.”
Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey) oo hadal laga siiyey inuu xafladda ka jeediyo lagu soo dhaweeyey sacab xad-dhaaf ah oo fadhiga looga kacay, ayaa ka mahadceliyey ammaanta badan loo jeediyey kaalinta uu ka soo qaatay suuggaanta Soomaaliyeed, qoraalka buuggan cusub ee lagu soo ururiyey qaybo ka mid ah suugaantiisa. Waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay qoraagga iyo tifaftiraha buuggan – Maxamed Qodax iyo Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, Abwaan Axmed Aw Geedi iyo shirkadda Sagaljet oo uu ku tilmaamay kambani u taagan hiilka suugaanta iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirkii hore Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo ka qaybqaatay maalgelintiisa.
Waxa kaloo uu halkaasi ka akhriyey hees ka turjumaysa habka dhaqanka ee haasaawaha iyo guurka Soomaalida oo ay ku luuqaynayaan afar dhallinyaro laba rag iyo laba dumar ah, taas oo si wayn u soo jiidatay dadkii madasha fadhiyey.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna jeediyey hadal isugu jira aqoonta uu u leeyahay suugaanta iyo shakhsiyadda Abwaan Xasan Ganey oo ay isbarteen yaraantoodii oo uu dhextaal uga dhigay kaftan ku dhereran muddada ka badan afartanka sannadood ee ay wadaageen aqoonta, wada noolaanshaha iyo xirfadda ciidanimo.
Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagadaasi xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isna hambalyeeyey buuggan cusub ee Bad Macaan oo uu xusay inuu yahay kii ugu horreeyey ee uu ka qaybgalo bandhiggiisa, maadaama uu hore u xiisayn jiray suugaanta iyo riwaayadihii Abwaan Xasan Ganey.
Waxa iyaguna madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cali Maxamed Xasan (Cali-marreexaan), Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Abwaan Cali Axmed Raabbi (Cali Seenyo), Qoraaga Jaamac Muuse Jaamac, Xamse Cumar Kujoog oo ku hadlayey afka bahda Hiil Qallin iyo Mr. Martin oo ah nin ajnebi ah oo bare iyo cil-baadhe afka Soomaaliga ah.
Ugu dambayntii, waxa halkaasi lagu iibsaday buuggan Bad Macaan oo xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu qaateen 300 xabo, halka 200 kale uu xidhay xisbiga WADDANI, iyadoo tiro kalena ay iibsadeen qaar ka mid ah dadkii madasha joogay.
"Miyaan cadda-loolka,
Habeenki ciyaarta,
Carruurtu ku heesin,
Maroodi maroodi,
Maroodi cadhoole,
Markii col la sheego,
Cadaadda ku meere,
Hashii Cosob waa tan,"