Ribada La Jiifiyaana Banaan La Joojiyaana Banaan W/Q:Maxamed Cabdi Daauud(2aad)

0
860

Si cad oo aan caad lahayn, ayuu Quranku uga hadlay dulsaarku waxa uu yahay: “Kuwa Diintan rumeeyayaw, Ka yaaba Ilaaha, oo ka taga dulsaarka kiisii hore iyo kan dambaba. Waa haddaad Iimaan leedihiin. Haddaad taas yeeli weydaan ku talo-gala dagaal ay idinku qaadaan Ilaahay iyo Rasuulkiisu. Haddiise aad toobad keentaan waxaad leedihiin, keliya, Raasamaalkiinii oo aan dulsaar lahayn; Yaan lays dulmiyin. Haddii aanu waxba haysanin ka deymaysani, u kaadiya inta Ilaahay wax siinayo. Idinka oo ka saamaxa ama wax siiya qofkaas, ayaa idiin khayr roon, haddaad wax-garad tihiin” (Al Baqara 278-279). Waa war cad oo aan u baahnayn in lagu madiixo Xadiis Daciif ah oo aan ka sugnaan NabigeeniiDescription: http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png. Sida ay dhigayso weedha ku ekeyd C/Laahi Bin Salaam,

1111111111111

ee aan gaadhsiisnayn RasuulkeenaDescription: http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png. Taas oo odhanaysa; “Dirham kugu taga ayaa ka dambi weyn 36 goor oo aad sinaysato”. Sinadu waxay ahayd wax laga xaragoodo oo foolxun, xataa Islaamka ka hor. 

Dulsaarkuse sidaas ma ahayn, oo Asxaabta Nabiga laftooda ayaa ku dhaqmayay dulsaarka, ka hor intaan la xarrimin.

Xadiiska ugu miisaanka weyn, ee qeexaya dulsaarka iyo ganacsigu waa ka uu soo weriyay Cubaadah Bin Saamit ee uu yidhi waxaan maqlayay RasuulkaDescription: http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png oo leh: “Dahabka dahab uun baa lagu gadi karaa, lacagna lacag uun, daqiiqdana daqiiq uun, heeddana heed uun, milixdana milix uun , timirtana timir uun. Iibku waxa uu ku dhacayaa miisaan ama miisid is le’eg (oo aan kala badnayn), oo markiiba la kala qaato, gacan bigacan. Qofka miisaanka kordhiya ama naaqusiyaan, dulsaarkii xaaraanta ahaa  buu ku dhacayayaa”. Xadiiskani waa Saxiix oo hal diiddan ma leh. Ereyga ah lacagta (Silver) ee ku xusan xadiiska iyo dahabkuba waxa ay ka dhignaayeen lacagta aan adeegsanno oo kale. Dahabku wuu kala qaalisan yahay, samaysyo kala duwanna waa lagu sanceeyaa. Taasi qofka iska fasaxaya ayay u taalaa, laakiin hadduu gadanayo miisaan is le’eg baa lagu doorsanayaa. Sidaas waxaa loo yidhi in la sugo hal-beegga iibka, oo u dhigan lacagta manta wax lagu kala iibsado. Dulsaar ma yeelan karto hadday dahab tahay iyo hadday lacag tahayba. Shanta kale waa cuntooyin adeegoodu maalinle yahay. Iyagana dulsaar lama ogala. Marka timir iyo timir lays weydaarsanayo, teeda xun iyo teeda san la eegi maayo, ee miisaanka oon korodh lahayn uun baa la kala qaadanayaa, gacan bigacan, isla markiiba. Haddii kale waa ribo. Haddaanu sidaas raali ku ahayn Qofka sita timirta fiicani, ha soo lacageeyo timirtiisa, deedna isaga oo sita lacagtii ha iibsado timirtii laga fiicnaa. Haddii miisaanku is dheeraado waxay culumadu u bixisay Ribada Dheeriga. Haddii markiiba lays weedaarsan waayana waxay Culumadu u bixisay Ribada Dib-udhaca. Labadubana waa xaaraan, sida ka muuqata Xadiiska Rasuulka.  Ereyga Gacan Bigacan ee ku xusan