Ribada La Jiifiyaana Banaan La Joojiyaana Banaan W/Q:Maxamed Cabdi Daauud(1aad)

0
825

Somalidu waxay soo werisay wadaad laga hayay: La Jiifiyaana Banaan, La Joojiyaana Banaan. Waana marka uu Wadaadku qaradlaha yahay ee aanu ka tarjumayn Diintiisa caddaaladda ku dhisan. Rabida ama dulsaarka ayuu Aadanuhu adeegsan jiray, iyada oo la kawsatay ganacsiga. Inta laga war-qabaana soo taxnayd 7,000 oo sanadood.

1111111111111

Somalidu waxay soo werisay wadaad laga hayay: La Jiifiyaana Banaan, La Joojiyaana Banaan. Waana marka uu Wadaadku qaradlaha yahay ee aanu ka tarjumayn Diintiisa caddaaladda ku dhisan. Rabida ama dulsaarka ayuu Aadanuhu adeegsan jiray, iyada oo la kawsatay ganacsiga. Inta laga war-qabaana soo taxnayd 7,000 oo sanadood. Kitaabka Baybalka oo ka mid ah kutubta ugu faca weyn, waxaa ku yaala Yuhuudda oo laga xarrimay Ribada dhexdooda ah. Laakiin loo fasaxay dulsaarka ay ka qaataan dadyawga kale ee aan Yuhuudda ahayn.

“Waa in aydaan walaalkiin intaad wax deymisaan, dulsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag dulsaar ah, ama cunto dulsaar saar ah, ama wax kale oo dulsaar laysku deymiyo toona. Kii shisheeye ah, dulsaar wax baad ku daymin kartaan, laakiin walaalkiin waa inaydaan dulsaar wax ku deymin” (Deuteronomy 23:19-20). Waa Kitaab ka tirsan Tawraat oo la yidhaah ‘Sharciga Ku Noqoshadiisa’, cutubka 23aad, weedhaha 19 ilaa 20aad. Kitaabka Injiilka Masiixiyadda, sida uu u qoray Matayos (Matthew), waakan: “Kii wax kaa barya sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo, ha ka sii jeedsan” (Matthew 5:42) Tawraat iyo Injiil ilaa Diinta Buudaha dulsaarku xaaraan buu ahaa.

Sidaas oo ay tahay, ayuu haddana Aadanuhu isku dul-nool yahay. Oo uu ku dheggan yahay, inuu kala qaato dulsaarka. Qaabka ay Diinta Islaamku arrinkan u daweysay ayaa ashqaraar leh. Waxa ay si cad u kala saartay iibka ganacsiga iyo dulsaarka. Inta aan dulsaarka la xarimin, Quraanku si dadban ayuu u muujiyay in dulsaarku aanu fiicnayn. Waxaa ka mid ah Aayadda ku jirta Suuratu Al-Ruum oo ka mid ah Quraankii soo degay intaan la Hijroon, Aayaddaas oo odhanaysa: “Waxaad la timaaddaan (ee adduun ah) ee aad ku doonaysaan dulsaar, Ilaahay agtiisa dulsaar idiin noqon mayo. Waxase aad Ilaahay dartii sako ahaan ku bixisaan, ayaa idiin laba-laabmi doona oo ilaahayna idiin barakayn doonaa”. Sidoo kale waxaa ahaa aayadda ku jirta Aal Cimraan, oo iyana Makiyad ah, oo waxa keli ah ee ay Muslinka u diidaysaa yahay in uu dulsaarka cuno, kiisa in badan laba-laababmaya. Halkaas oo laga dheehan karo in aanu dhib lahayn dulsaarka kiisa khafiifka ahi. Waatan Aayaddii: “Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyayaw, ha cunina dulsaarka kiisa aadka u labalaaban. kana dhawrsada Ilaahay, waad liibaani doontaane” (Aal-Cimraan 130).

Waqtigaas ka horeeyay Hijrada iyo xilliyo badan oo Madiina la joogay, oo ay hana-qaadday Dawladdii Islaamku, may jirin in si toos ah dulsaarka loo xarimo. Aayadaha ku jira Suurat Al-Baqarah, waxa ay soo degeen horteed yar geeridii Rasuulka, oo ku beegnayd Xajkii Waddacaadda. Waxaa sidoo kale ah Aayadda ugu dheer Quraanka, oo ka hadlaysa Xeer Nidaamiyaha  Amaahda ama deynta oo Islaamku dhiiri-geliyay, si bulshadu isugu naxariisato, oo ay is taakulayso. Halkaas waxaa ka muuqda in aanu Islaamku ku degdegin Xarriminta Dulsaarka. Muddo 23 sano ah ayuu Islaamku dhisayay bulsho ku dhaqanta nidaamkiisa dhaqaale ee leh wax-istar, deyn hor Ilaah laysku siiyo, iyo Sako la bixiyo oo wax laga siiyo ciddii deyn lagu yeesho. Intaas kuma ekaan, ee dhinaca kale waxa la dhiiri geliyay in qofku iska bixiyo deynta inta aanu dhiman. Taas oo maanta laga gaabiyay. Nabigu kuma tukan jirin Jinaasadda qof lagu leeyahay deyn, ilaa inta meel la saarayo deyntaas.

Saxaabiga Jaabir Bin C/Laahi ayaa inooga waramaya sida Islaamku deynta u nidaamiyay. Waxa uu yidhi: “Nin baa naga dhintay. Markaas ayaanu maydhnay hagaajinay oo kafankiina ku xidhnay. Waxaanu u keenay Jinaasaddii inuu Rasuulkuhttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png ku tukado. Markuu soo dhaqaaqay ayuu na weydiiyay Nabiguhttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png: “Waar ninka deyn ma lagu leeyahay?” Waxaanu ugu jawaabnay; “laba Diinaar (baa lagu leeyahay). Deedna (Nabigiihttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png) ayaa dib u jeestay. Abuu Qataada ayaa yidhi anaa ka bixinaya labada Diinaar. Ka dib ayuu Nabigiihttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png yidhi: “Ilaahay baa fakiyay, oo la kafaalo qaad labadii (Diinaar) ee deynta ahaa. Markaas ayuu ku tukaday. Laba cisho markay ka soo wareegeen ayuu Rasuulkiihttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png yidhi: “Waar maxaa laga yeelay labadii Diinaar?” Markaas ayaan ku idhi: “Sawtii shalay uun ahayd, Rasuulkii Ilaahayaw!”. Maalin ka dib ayuu yimid Abu Qataada, markaas ayuu sheegay inuu bixiyay labadii Diinaar. Markaas ayuu Rasuulkiihttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png yidh: “Immika ayuun buu ka jabay karkii (maydka). Yacnii intii hore wuu caddibnaa.

Islaamku markuu dhisay bulshadii, xagga wacyiga, sharafta iyo anshaxa, xagga dhaqaalaha, xagga ganacsiga xalaasha ah iyo xagga daryeelka danyarta (Nidaamka Sakada), ayuu guda-galay sannadkii ugu dambeeyay inuu xarrimo dulsaarka, isaga oo uga dan lahaa in aanay xooluhu ku ekaan inta wax haysata uun.

Si cad oo aan caad lahayn, ayuu Quranku uga hadlay dulsaarku waxa uu yahay: “Kuwa Diintan rumeeyayaw, Ka yaaba Ilaaha, oo ka taga dulsaarka kiisii hore iyo kan dambaba. Waa haddaad Iimaan leedihiin. Haddaad taas yeeli weydaan ku talo-gala dagaal ay idinku qaadaan Ilaahay iyo Rasuulkiisu. Haddiise aad toobad keentaan waxaad leedihiin, keliya, Raasamaalkiinii oo aan dulsaar lahayn; Yaan lays dulmiyin. Haddii aanu waxba haysanin ka deymaysani, u kaadiya inta Ilaahay wax siinayo. Idinka oo ka saamaxa ama wax siiya qofkaas, ayaa idiin khayr roon, haddaad wax-garad tihiin” (Al Baqara 278-279). Waa war cad oo aan u baahnayn in lagu madiixo Xadiis Daciif ah oo aan ka sugnaan Nabigeeniihttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png. Sida ay dhigayso weedha ku ekeyd C/Laahi Bin Salaam, La Soco…..

 

ee aan gaadhsiisnayn Rasuulkeenahttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png. Taas oo odhanaysa; “Dirham kugu taga ayaa ka dambi weyn 36 goor oo aad sinaysato”. Sinadu waxay ahayd wax laga xaragoodo oo foolxun, xataa Islaamka ka hor.  La Soco……