Qeybti 2 ee falanqeynta khudbad sannadeedki Madaxweynaha Eng. Baashe Cabdi Gaboobe

0
627

baashe3-Sicir bararka : Muddo dhawr sano ah shacabka S/L wu ka qeylinaayey sicir bararka saameeyey nooloshooda taaso cidhiidhey gelisey maciishadi aqlabiyadda shacabka S/L oo ku kelifatey dad badan iney hal mar uun wax cunaan, halka masuulinta dawladda ee gofanayaasha ah ee khabar maafish ka ah xaalka shacabkooda ay si joogta ah uu qaadaan heesta NIMCA FADHIDHA DALKA ,dawladda kulmiyena dhegahay ka fureysatey cabashooyinka ka soo yeedhayey shacabka S/L . Sababaha ugu muhimsan na maaha sidu madaxweynuhu sheegey oo wa tujaarto qudha e’ sida Zaadka iyo E dahab , waayo horey uu jireen nidaamyadan ee waxa kow ka ah lacagtan si bila xad ah loo soo daabacaayo iyo lacago badan oo dolaar ah oo masuulinta qurbo jooga ahi dibedda uu xawilaan . 
4- Musuqmaasuqa : Madaxweynuhu wu dafirey innu musuq maasuq ka jiro xukuumadisa , haddaba shacabka Somaliland wuxu markhaati cad ka yahey in masuulin badan oo dawladda kulmiye oo intaaney xil qaban suuqa meehanaabey ay maanta yihiin mulkilayaal guryaha iyo gawaadhida igu qaalisan wadanka Wuxu shacabku markhaati cad ka yahey in hantidi danta guud ee la yidhi wa la iibiyey inaan dariiqi sharci aha loo marin sida tartanka qandaraasyada ama gudidi qandaraasyadu aan la soo marin oo qandaraasyada la siiyo cid gaar ah oo madaxtooyadu wadato . la soco qeybaha kale.