Qaylo-dhaan Uu Mulkiillaha Balli-biyood ay reer Wajaalle Kasoo Saareen Hawl-gal Guddoomiyaha Degmadu Ku Aasay Balligaas

0
615

Wajaale (Geeska )- Muwaadin Abokor Axmed Xuseen Kooshin oo ah mulkiillaha mid ka mid ah balli-biyoodyada bulshadu ka cabto ee ku yaalla degmada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley ayaa mar kale qaylo-dhaan ka muujiyey hawl-gal uu maamulka degmada Wajaalle ku aasay balli-biyoodkaasi, kaasi oo sabab looga dhigay waddo-bannayn, dhaamkaasi oo waqtigan abaaruhu jiraan kamid ahaa kuwa faro ku tiriska ah ee ay dadka iyo duunyadu ka cabi jireen. Mulkiillahan oo baaq cabasho ah oo uu ku socodsiinayo xukuumadda dhexe iyo hay’adaha garsoorka  soo gaadhsiiyey warbaahinta ayaa  maamulka degmada gaar ahaanna guddoomiyaha degmada Wajaalle Cabdi Saleebaan ku eedeeyey in hawl-galkan uga dan leeyahay waddo bannayn, waxaana baaqaasi oo  daba socday cabasho hore uu arrintan uga soo saaray uu ku bilaabay sidan “Waxaan doonayaa in aan mar labaad halkan baaq uga dirayaa dawladda Somaliland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xukuumaddiisa.  Anigoo ka cabanaya arrin sharciga baal marsan oo guddoomiyaha degmada Wajaalle   ku aasay dhaam-biyood aan anigu mulkiyadiisa isla leeyahay, kaasi oo markii uu aasayay aanu haba yaraatee waxba igala socodsiin. Waxa xusid mudan in dhaamkan oo uu hore isugu dayay intii aanu guddoomiyaha degmada noqon ee uu kamidka ahaa guddida horumarinta degmada aanu la socodsiinay maamulka heer degmo iyo ka heer gobo lee Gabilay-ba arrintaasna uu ku mutaystay xadhig oo xabsiga loo taxaabay hase yeeshee markii dembe damiin lagu soo daayay, isaga oo damaannaddii weli ku joogana la magacaabay, markii uu xilka la wareegayna uu shaadhkii dawladda oo ixtiraam naga mudan  inaanu u hoggaansanno food saaro nooga dhigtay oo baabi’inta dhaamkan noogu adeegsaday awooda xilka uu ummada u hayo.  Arrimaha  aan gabashada lahayn ee uu awoodda noogu gacan togaaleeyey waxaa kamid ah in dhulkii uu dhaamku ku yaallay ee aan lahaa uu ka taagay sandaqad, taas oo dhulboob aan gabasho lahayn ka marag furaysa,  waxaanan  halkan ka cadaynayaa in dhul boobka guddoomiyuhu aanu ahayn mid uu dawladda ugu adeegayo balse ay tahay sidii uu ku  dhacsan lahaa dhulkaygii.  Sidaasi darteed waxaan halkan baaq uga dirayaa xukuumadda Somaliland, gaar ahaanna wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada lehba anigoo ka codsanaya in ay qaddiyadan soo farogeliyaan, waxna ka qabtaan arrintaydan oo xaasaasi ah. Annaga oo mar walba jecel, ixtiraamayna, una hoggaansamayna wixii sharcigu na farayo, taas bedelkeena xaq iyo xuquuqba u leh in wixii aanu gar u leennahay wax naloogu sameeyo. ugu dembeyn waxaan xusayaa in dhawr jeer aan aan cabashadayda iyo dawcadaydaba gaadhsiiyey hay’adaha ku shaqada leh arrintan, taasoo aanan weli wax jawaab celin ah ka helin. Sidaasi darteed waxaan si xushmad leh uga codsanayaa dwladayda sharafta iyo karaamada iga mudan in arrintayda wax laga qabto” ayuu yidhi mulkiillaha dhaam-biyoodka Wajaalle ee uu guddoomiyaha degmadu aasay Muwaadin Abokor  Axmed xuseen Kooshin.