Hargeysa(Geeska)-Odayaasha Bariga magaalada Hargeysa ayaa mahad naq baaladhan u soo jeediyey maamulka Maxkamadaha wadanka, gaar maxkamada sare iyo maxkamada gobolka maroodi-jeex. Shir jaraa;id oo ay odayaashu ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen in dhul ay lahayeen maamulkii faqashtu ay khasab ku dhisteen.
Odayaasha ayaa waxa soo bandhigeen dhamaan mulkiyada lahaanshaha dhulka oo ay ka soo bilabeen kuwii ay ka qaateen dowladii Siyaad bare oo isugu jiray mulkiyadii dhulka iyo warqadii cashuur qabashada.
Sidoo kale waxay odayaashu xuseen in dhulkaas oo uu lahaa Ismaaciil Nuur Qaasaali loo dhisay si loo dhabar jebiyo halgankii SNM oo la isugu dhufto beelo walaalo ah. “Dadkii ehlu caqligaa ee wadanka markaas joogay ayaa ergo ahaan noogu yimid, iyada oo laba ergo oo kala danbeeyaa ay noo yimadeen. Ergada hore waxaa watay Sheekh Yusuf Shekh Madar halka ergada danbe-na uu ka watay Suldan Maxamed Suldan Faarax. Labadaas ergo waxay nagu yidhaahdeen “ Maanta waxaa la rabaa in SNM la dhabar jabiyo, ninkaas waxaas wadaana waa ninkaas faqashta inoo soo raacay, ee walaalayaal 200 ee inan ee dhulkaas maanta ku dhiman lahaa SNM ha ku dhintaan ee ergada naga aqbala oo dagaal joojiya”. sidaas ayay yidhaahdeen odayaashu oo intaas raaciyay “Waanu ka aqbalnay ergadii. Waxaa intaas raacay in Radio Halgan Cukuse, Xuseen Cabddilaahi deeqsi iyo mijir qaadi ay warka ka akhriyeen oo ay yidhaahdeen, iyaga oo ku hadlay afkii SNM oo ay yidhaahdeen “Dhulkaas Ismaciil Nuur ee qasabka lagu dhisayo, waxa balan ah in la dumiyo xataa hadii tobon dabaq faqash ka dhisto, hadii kale-na wadanka ayuunbuu raaci donaa oo Hargeysa ayuu wax la qabi doonaa. Haddaba markii dalka la soo galay waxaa dacwad la galnay ninkii cadwoga faqashta noo soo raacay, anaga oo tix galinayna wada noolashaha iyo amaanka dalka.”
Odayaasha oo ka waramaya xukunadii la riday iyo sida ay dhaceen, ayaa waxa ay yidhaahdeen
“ Waxaa dhacday in Makxakamada Gobolka Hargeysa ay xukunkii u horeeyey u xukun tay agoonta Ilma Ismaciil Nuur Qaasaali iyo Yusuf faarax Qaasaali oo ay ka xukuntay Maxamuud Diir Qadhaadh. Xukun kaas oo ay sumadiisu ahayd MGH/DML/41/99 kuna taariikhaysnaa 24/05/ 2005.
Xukun kaas ayuu racfaan ka qaatay. Maxakamdii racfaanka ayaa iyana u xukun tay agoonta Ilama Ismaciil Nuur Qaasali iyo Yuusuf farax Qaasali. Xukun kaas oo sumadiisu ahayd MRH/D-MRL/118/05 ee ku taariikhaysnaa 06/02/06 iyada oo ku ayiday xukunkii maxakada gobolka ee or ku xusan.
Intaas ka dib ayuu racfaan u qaatay maxkamada sare. Maxkamada sare ayaa iyana u xukun tay agoonta ilma Ismacill nuur qaasali iyo Yusuf Faarax Qaasli. Xukun kaas oo sumadiisu ayad MS/29/06 oo ku taariikhaysnaa 22/03/08. Xukun kaas oo maxakamada sare ay ku ayiday xukunkii Maxkamada gobolka iyo xukunkii Maxkamada sare. Waxa kaliya oo maxakmada sare ay xukun kaas sare ku soo kordhisay in kharaabada meesha ay faqashtii ka dhistay oo uu sheegtay Maxamuud in loo qiimeeyo. Laba engineer oo howlaha guud ka socda ayaa soo qiimayey.
Halkaas marka ay marayso ayaa maxkamada gobolku fulin noo soo saaraty go’aan fulin ah oo anaga oo ah aqoonta Ilma Ismaciil Nuur Qaasali iyo Yuusuf farax Qaasaali na yidhi soo bixiya lacagta isna lagu amray in aanu gurigaas shaqo ku darsan , ciidamada amaankuna ay gacan ku siiyaan cidii loo xukumay oo ah aqoonta Ilma Ismaciil Nuur Qaasali iyo Yusuf farax Qaasali. Halkaas marka ay marayso ayaa qolo odayaal ahí yidhaadeen anaga ayaa idin dhex galayna oo howsha dhamaynayna. Ilaa mudadaas kolba meel ayey la fadhiisanaysay. Odayaashiina wuu ka gar diiday oo ka garqaadan waayey ileen waa nin aan meesha waxba u olee. Markii aan mudo badan sugaynay ee waxba ka socon wayeen arinkii odayaasha gudida ah, ayaan maxkamadii ku noqonay. Maxkamadii waxay na weydiisay in aan lacagtii meesha dhismaha faqashta aan bixino.
Waxaa loo diray saman si uu maxkamada u yimaado Maxamoud Yusuf Qaalib, wuu iman wayey, ilaa saddex saman ayaa lo diray, kii u danbeeyey waxaa loo diray Gudoomiyaha guurtida oo maxkamadu ka codsatay in uu soo diro xubinta gurtida ah maxkmada, tiina kuma iman. Intass ka dibna ayaa maxkmadu naga codsatay in lacagtii bixino, waanu bixinay.”
Odayaasha oo hadalka sii wataa waxay yidhaahdeen “Ka dibna fulin xoogan oo sumadiisu ahayd MGH/DFL/81/08 ee ku taariikhaysan 14/05/016 ayaa maxkamadu soo saaraty. Waxaa ka soo jawaab celiyey Booliska oo iyana shaqadoodi ka gutay , noo fuliyey sidaasna maxakmadii ugu wargaliyey warqad ay sumadeedu ahayd SBG/97/16 kuna taariikhaysnayd 02/06/16. Intaas ka dib ayaa Maxakamdu soo saaratay xukun ay gurigii noogu madax banaysay oo ku taariikhaysnaa 31/07/2016.”
Odayaasha ayaa ku amaanay maxkamadaha dalka iyo hogaankooda cadaalada ay fuliyeen, Ilaahayna uga baryey in shaqada u fudeeeyo cadaaladana ku sugo.