Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Ee Waddani Ku Biiray, Kuna Adkaystay In Doorashadu Wakhtigeeda Dhacayso

0
652

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa balan qaaaday inay doorashada madaxtooyadu ku qabsoomi doonto wakhtiga loogu tallo galay oo ah March 2017.

1

Murashax Muuse oo isagoo London jooga waraysi siiyay BBC, Somali, wuxuu kaloo ka hadlay siyaasiyiinta isbahaysiga ee hore uga tirsanaa xisbiga KULMIYE ee ku biiray Waddani, waxaanu isagoo ugu horayn ka hadlaya siyaasiyiinta KULMIYE ee ku biiray Waddani uu yidhi “Horta dadkan imika ka tagay xukuumadda badanbkoodu hore umay ahayn dad hawlwadeeno ka ah xisbiga KULMIYE, Waxay u badnaayeen dad iskood u shaqaysta ama hay’ado ajanebi ah ama hay’ado UN u shaqeeya, ama ganacsato xawaalado, telefoono ka shaqeeya, hase yeeshee markii KULMIYE guulaystay ka soo qayb galay xukuumadii oo madaxweynuhu xilal u dhiibay. Markii dambena iyagoo xukuumadii ah is casilay, way jiraan dhawr qof oo xisbiga raggii lahaa ka mid ah, oo baarlamaanka ku jira, laakiin dadkan kale badankoodu waxay xisbiga ku ahaayeen xilkii wasiirniamda, ee anigu waxba iskumaanu qaban, iyagaa doortay inay meel kale tagaan, dee markaas qofku waa u xor rayigiisa.”

Muuse oo la weydiiyay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomayso wuxuu yidhi “Doorashada madaxweynuhu inshaalah 27 March way qabsoomaysaa, dal dhaqaalihiisu aad u yaryahay baan nahay, waad ogtahay oo mandaqada badda cas oo aad u holcaysa oo dagaalo ka socdaan oo aan degenayn. Sidaas oo ay tahay Somaliland oo aan la ictiraafin oo dhaqaale buuran lahayn waa meesha keliya ee madaxweynayaashu doorashada isku bedelaan, markaa doorashooyinku dhaqaale ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba waa nagu culays, laakiin imika wax walba waxa loo qorsheeyay  inay dhamaato ta’ madaxweynuhu dhaqaalehana xoolo dirqi lama waayo, waanu qabanaynaa.”

Muuse Biixi Cabdi, waxa la weydiiyay inuu aqbalayo natiijada ay guddiga doorashooyinku soo saaraan marka doorashada madaxtooyada la qabto, waxaanu ku jawaabay “Anagu waayo arag ayaan u nahay in lana doorto,  in wax la waayo ma nihin dadka ay ku cusubtahay, in badan ayaanu soo joognay waayo  badan ayaanu ku soo marnay, wax walbana waxaanu annagu ka horaysiinaa xisbi ahaan  danta qaranka iyo dhismaha qaranka, waa sune ah KULMIYE maanta oo aniga ah iyo beri ka iman doonaba inuu mar walba danta qaranka horumariyo.”