Munaasibad Loo Qabtay Furitaanka Masaajidka Al-aqsa

0
657

Hargeysa (Geeska)-Masaajidka Al-aqsa ee ku yaala Xaafada Xero-awr oo dib loo dhisay, laba dabaqna laga dhisay isla markaana kharashka guud ahaan ku baxay Masaajidkani uu ahaa lix boqol, laba iyo sagashan kun oo doolar iyo dheeraad ayaa munaasibadii furitaanka xalay lagu qabtay Masaajidka.

1

Munaasibadii furitaanka Masaajidka ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Culimada dalka ugu waaweyn, Salaadiin, Arday, Guddida Masaajidka iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo isagu ugu horeyn munaasibadan ka hadlay ayaa ku dheeraday qiimaha uu Masaajidku leeyahay, waxaanu tilmaamay in qofka Masaajid dhisa, ama wax ku darsadaa uu ajar badan oo aan la soo koobi Karin uu ILLAAHAY ka helayo, waxaanu tilmaamay inuu Masaajidku qiimo gooniya u leeyahay dadka Islaamka, madaama ay iyagu ILLAAHAY ku caabudayaan, waxa kale oo uu tilmamay in Hay’adda kala duwan ee dalka jooga ay inta badan Iskuulo, Cisbitaalo iyo wax la midka ah ay dhisaan, kharashna ay galiyaan, balse aanay Masaajid dhisin, madaama aanay ahayn dad imaan leh oo islaam ah.

Dhanka kale wuxuu u duceeyey cid walba oo Masaajidka wax gashatay, wuxuuna ugu duceeyey jano iyo khayr iyo bedel khayr qaba, waxa kale oo uu dadka ku dhiirigeliyey in masaajidka laga bilaabo xalqadaha Cilmiga diiniga ah dadkuna soo camiraan

Sheekh Cabdle Cabdi Makaawi iyo  Sheekh Cabdilaahi Cabdi oo iyana halkaas ka hadlay ayaa ka waramaya qiimaha uu Masaajidku leeyahay, waxayna ku dhiirgeliyeen dadka in lagu dadaalo dhismaha iyo daryeelka masaajidada, waxayna u duceeyeen cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaha masaajidkan.

Imaanka Masaajidka Al-aqsa Sheekh Cabdiraxmaan Sheeh Maxamed Kaahin oo uisna halkaas ka hadlay ayaa ka waramaya marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Masaajidkani uu la soo maray, waxaanu u mahadnaqay cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaha Masaajidka.

Xaaji Xasan Maxamuud Yoonis, Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed iyo Suldaan Axmed Daahir iyo Isuduwaha Wasaaradda  Diinta iyo Awqaafka oo iyana halkaas ka hadlay oo iyana halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay in Masaajidkani yahay Guriga ugu qaalisan, madaama uu yahay Aqalka ILLAAHAY, ee lagu cibaadaysto, looguna shugri noqon, waxayna u duceeyeen cid walba oo gacan ka geystay, muruq iyo maal labadaba.

Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Masaajidkan la dhiso, waxaanu sheegay in ka Xukuumad ahaan ay soo dhaweeynayaan, isla markaana dhiirigelinayaan cid walba oo khayrka ka shaqeeynaysa.

Ugu dambeyntii Sheekh Jaabiir ayaa halkaas ka duceeyey, waxaanu u duceeyey guud ahaan dadka islaamka, gaar ahaan dadkii Masaajidka ka qayb qaatay.

Dhinaca kale waxa Masaajidkan dhistay Shirkada dhismaha ee Lucky Star