Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiye Saleban Iyo Gudoomiye Cabdiraxman-Cirro?

0
488

laboHargeysa(Geeska)-Labada guddoomiye ee goleyaasha guurtida iyo wakiilada Md. Saleban Maxamuud Aaden iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa habeen hore yeeshay kulankoodii u horeeyay tan iyo markii uu abuurmay khilaafka diiwaangelinta madaniga ah. Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaan xog rasmi ah laga haynin. Balse ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay labada guddoomiye si aada uga wada hadleen khilaafka taagan ee ka dhashay xeerka diiwaangelinta ee weli qabyada ah iyo sida xal loogu heli karo. Warku wuxuu sheegay inay go’aansadeen oo ay labada guddoomiye isla qaateen in si odaytinimo leh loo xaliyo khilaafkan oo xataa yeeshay wejiyo qabiil.

Ergo dhexdhexaadin ah oo ka shaqaysay kulanka labada guddoomiye, ayaa labadoodaba (Cirro iyo Saleban) waxay ka codsadeen inaanay cuslayn khilaafkan si aanu qaranka saamayn ugu yeelan. Warku wuxuu sheegay inay labada guddoomiye laga dareemay wejiyadooda inay go’aan rasmi ah iskula qaateen xalinta khilaafka, waxaana la filayaa inay dhawaan ku dhawaaqaan in mooshin sharcigii muranka sababay xal loo helay.