“Marka Uu Wakhtiga Odaygaygu Dhamaado Anaa Murashaxa Ah”

0
624

Picture1Xaaska Madaxweynaha dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa sheegtay inay dooneyso inay noqoto Madaxweynaha bedali doona ninkeeda Robert Mugabe,  marka uu wakhtigu ka dhammaado.

Warkan ayey ku shaacisay shir ay isugu yimaadeen dadkii kasoo qeyb qaatay gobanimo doonkii dalka Zimbabwe.

Madaxweyne Robert Mugabe oo dalka Zimbabwe kasoo talinayey tan iyo wakhtiguu dalkaasi xoriyada qaatay ayaa hada ah 90 jir, isla markaana marar badan arrimo caafimaad dibada ugu baxay.

 Mugabe ayaa wakhtigiisa xilka uu ku egyahay sanadka 2018, balse waxaa si weyn loo hadal hayaa in shirweynaha xisbigiisa ZANU PF oo dhici doona bisha December 2014 uu ka shaacin doono inuu xilka isaga degayo.

Xaaska Madaxweyne Mugabe oo iyadu ah 49  jir ayaa dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Haweenka ee Xisbiga talada haya ee ZANU PF, Grace Mugabe ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safaro ay ku tageysay gobalada dalka Zimbabwe taasi oo ay taageero ku raadineysay.

Grace Mugabe ayaa sidoo kale ugu baaqday Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe oo iyaduna ah qof haween ah inay xilka isaga degto.

Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe Joice Mujuru oo ah qofka bedalaya Madaxweynaha sida sharciga yahay ayaa dhankeeda sheegtay inaanay taageeri doonin ololaha xukun doonka ah oo ay ku jirto xaaska Mugabe.

Mrs.Grace Mugabe n hadda safar ku tagi karin dalalka Midowga Yurub oo 12 sano kahor cunaqabateyn saaray dowlada Zimbabwe kadib markii xukuumadaasi ay dalkeeda ka saartay dadka Cadaanka ahaa ee heystay inta badan dhulka qaniga ah ee dalka Zimbabwe.