Maraykan Miyaa Uu Ku Qaldamay Dilkii Bin Laadin?

0
803

Picture1

Usaama waxa uu ahaa Jihaadi dabacsan Marka loo eego DAACISH.. maqaal dhinacyo badan ka eegaya Usaama. Waxaa turjumay: Kamaal A. Calia

Robert Fisk oo ah Qoraa iyo saxafi ruug-caddaa ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa warbixin uu Isniintii toddobaadkan ee 25 May 2015 uu ku qoray wargeyska caanka ah ee The Independent waxa uu sheegay in maanta ay tahay in dunida reer galbeedku ay qoomamayso dilkii Usaama Bin Laadin oo uu ku doodayo in uu noqon kari lahaa ruuxa isaga dabqaada wada hadal lala galo waxa uu ugu yeedhay dhiig-miiratada DAACISH.

Maqaalkan xiisaha badan oo dunida ka dhaliyey doodo adag oo iska-soo horjeeda ayaa uu qoraagu isku weydiinayaa, haddii maanta ay reer galbeedku u baahdaan in ay DAACISH wada xaajood la galaan, in ay heli karaan cid dunida ku hadhay oo wada hadalkaas dhex-dhexaadin karta iyo in kale?

Waa aynu dilnay ciddii dhex-dhexaadin lahayd wada xaajoodka:

Robert Fisk waxa uu ku doodayaa in Usaama Bin Laadin uu ahaa Jihaadi dabacsan, marka la barbar dhigo DAACISH, isaga  ku soo halqabsanaya magaalada Ramaadi ee dalka Ciraaq oo uu ururka DAACISH dhowaan si lama filaan noqotay uga qabsaday dawladda Ciraaq waxa uu qoraalkiisa ku leeyahay, “Dhiigyo-cabkii oo calankoodii madoobaa wataa waxa ay dib ugu soo noqdeen Ramaadi oo Ciraaq ah iyo Tadamur oo Suuriya. Warkani waxa uu ku soo beegmay xilli Usaama warkiisuna mar labaad dunida dib ugu soo noqday. Waxaa la sheegayaa in uu xaaskiisa aad u jeclaa, in uu doonayey hoggaaminta Al-Qaacida in uu inankiisa u dhiibo, in uu akhriyi jiray buugaagta Nacuum Joomiski. Sida lagu ogaaday qoraallo uu faafiyey sirdoonka Maraykanka oo ah kuwii laga helay guriga Usaama lagu dilay. (Noam Chomsky  Waa faylasuuf Yuhuudi-Maraykan ah oo aad wax uga qora siyaasadda, falsafasada iwm, aadna u naqdiya siyaasadda Maraykanka ee arrimaha dibadda, gaar ahaan xisbiga Jamhuuriga)”

Robert Fisk oo qoraalkiisa sii wadaa waxa uu leeyahay, “Xaqiiqdu waxa ay tahay in ninkaas (Usaama) uu yahay kii aynu la shaqayn kari lahayn iyo qunyar socodka aynu mar kasta raadinno, marka aynu ku fashilanno burburinta cadowgeenna, waa qofkii dhex-dhexaadin kari lahaa wada xaajood aynu la galno DAACISH.

Falka ay reer galbeedku ku khaarajiyeen Usaama Bin Laadin waxa uu la mid yahay, kii ay faransiisku sameeyeen dagaalkii Aljeeriya kadib. Markii hoggaamiyihii Faranasiiska ee Charles de Gaulle uu doonay in uu soo afjaro dagaalkii Aljeeriya, waxa uu raadiyey dhex-dhexaadiyaal awood u leh in ay la xaajoodaan dhaq-dhaqaaqii gobonnimo doonka wadaniga ah ee Al-jeeriya. Janaraal De Gaulle waxa uu ogaaday in uu dilay cid kasta oo wada-xajaoodka dhex-dhexaadin ka geli kari lahayd, innaguna (Reer galbeedka) tii oo kale ayaa aynu ku samaynay Bin Laadin”

Shakiga:

Robert Fisk waxa uu qoraalkiisan ku muujinayaa shakiga uu ka qabo in dadka lagu khiyaameeyey arrinta dilka Bin Laadin, isaga oo sheegaya in uu liqi kari la’yahay sida lagu ogaaday kaydkii xogta la xidhiidha hawlgallada iyo afkaarta Usaama Bin Laadin, waxa aanu is weydiinayaa, “Waa maxay sababta ay maanta sirdoonka Maraykan u faafinayaan sirtaas ay sheegeen in ay ka soo heleen guriga USaama Bin Laadin lagu dilay, iyada oo la og yahay in mar aad u sii horreysay ay faafiyeen xogtii la xidhiidhay farriimihii uu Usaama u dirayey shaqaalihiisa Yemen joogay?  Waa maxay sababta ay sirdoonka Maraykanku maanta u faafinayaan waraaqaha ay ka heleen guriga Usaama Bin Laadin uu deggenaa? Ma waxa ay u jawaabayaan qoraalkii Seymour Hersh uu shakiga ku gelinayey qisada dilka Usaama? (Seymour Hersh waa saxafi iyo qoraa caan ka ah Maraykanka oo isagu aaminsan in qisada dilka Usaama ee waqtigaas iyo goobtaas Maraykanku sheegay ay been tahay). Waa maxay sababta keentay in sirdoonka Maraykanku uu qariyo qaar ka mid ah dhukumantiyada uu ka soo helay guriga uu sheegay in Usaama lagu dilay?”

Robert Fisk oo sii wada dooddiisaa shakiga gelinaysa dilka Usaama waxa uu yidhi, “Ma garanayno cidda soo turjuntay waraaqahan sirta ah ee Usaama qoray, mana garanayno cidda la soo mariyey ee wax ka soo jar-jartay, mana garanayno sababta keentay in Maraykanku uu qayb-qayb u sii daayo dhukumantiyadan Usaama isaga oo weliba waqtiyo kala fog sii deynaya”

Maxaa sir ka dhigay?

Iyada oo ay sidaas tahay haddana Robert Fisk qoraalkiisan waxaa ka muquda in aanu ka shakisnayn xaqiiqada qaar ka mid ah waraaqahaas sirdoonka Maraykanku faafiyey ee la sheegay in laga soo qaaday guriga Usaama lagu dilay, waraaqaha uu aad u rumaysan yahay in ay xaqiiqo yihiinna waxaa ka mid ah, Warqadda Usaama Bin Laadin uu u qoray xaaskisia Khayriya oo hooyo u ah wiilkiisa Xamse ee uu u diyaarinayey in uu ku wareejiyo hoggaaminta AL-QAACIDA.

Warqaddan Usaama waxaa ka muuqda ereyo shucuurta taabanaya oo muujinaya sida uu u jeclaa in uu xaaskiisa Khayriya aakhiro jannada kula kulmo, oo weliba ay jannadana xaaskiisa ugu noqoto, xitaa haddii marka uu dhinto kadib ay nin kale guursato, waxa uu ku ducaysanayaa in aakhiro ay isaga u soo noqoto”

Ugu dambayntii Fisk waxa uu qoraalkiisan ku doodayaa in ay jiraan dhukumantiyo kale oo badan, oo laga soo helay guriga Usaama Bin Laadin lagu dilay ee magaalada Abottabad, isaga oo is weydiinaya muhiimadda ku jirta in sir laga dhigo qoraalladaas?

Robert Fisk oo dhashay sannadkii 1946kii, waa qoraa io saxafi in ka badan 20 sano bariga dhexe uga soo waramayey wargeyska The Independent, waqtigaas oo uu si fiican u bartay Afcarabiga, muddo kale oo badanna sii ahaa saxafi, waxa aanu helay abaal marinno caalamiya oo dhinaca saxaafadda ah ooo aad u tiro badan.

Robert Fisk waxa uu Usaama Bin Laadin waraysi gaar ah la yeeshay saddex jeer oo u dhexeysay sannadihii 1993 illaa 1997, mar ka mid ah ayaanu Usaama si aad u dhibirsan ugu soo bandhigay in uu diinta Islaamka qaato, isaga oo u sheegay in dabeecadihiisa oo runtu ka mid tahay ay yihiin kuwa Islaamka, laakiin Robert Fisk ma’ uu aqbalin.