Madaxweyne Siilaanyo Oo U Hanjabay Xisbiyada Mucaaradka

0
510

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii ugu horaysay luuqad adag kula hadlay xisbiyada mucaaradka ah,isla markaana digniin u soo jeediyay.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in talada dalka xukuumaddisa uu xil ka saaran yahay, isla markaasna cidii ay u gartaan mooyaane cidna ka ogalaanayn inay siyaasada la hagto. Sida oo kale waxa uu hanbalyeeyay Puntland isaga oo ugu baaqay in laga wada shaqeeya nabada gobalka, Waxa uu sidan ugu sheegay warbaahinta madaxweynuhu isaga shalay u kicitimay dalka Itoobiya oo uu sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay.

Ugu horayntii madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlaayay safarkiisa waxa uu hadalka ku bilaabay sidan “Waxaan u ambo baxayaa wadanka Itoobiya ee aynu walaalaha nahay oo aanu ka helnay marti qaad rasmi ah, halkaasi oo aan kula kulmi doono raysal wasaaraha dalka Itoobiya, dalka Itoobiya waxa inaga dhexeya xidhiidh dheer oo soo jireen ah, xagga iskaashiga nabadgelyada, Ganacsiga iyo isku socodka labada shacab, waxaanuna dawlad ahaan ku faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeya dawlada fadaraalka Itoobiya oo aynu jacelnahay in aynu sii xoojino.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Sida laga wada warqabo maamulgoboleedka Puntland waxa ka dhacay isbedel siyaasadeed, oo ah dhinca hogaankiisa waanu soo dhaweynaynaa, isbedelka ku dhacay sida nabad gelayada ah, waxaanuna u hambalyeynaynaa madaxweynaha cusub ee Puntland ee la doortay, waxaanu rajeynaynaa in nabadgelayda oo muhiim ah iyo degnaashaha gobalka uu xi lweyn iska saari doono.”

Madaxweyne Axmed Siilaanayo oo xisbiyada mucaaradka ah si adag ula hadlaayay waxa uu yidhi“Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ka masuul ah hagida,qorshaynta,hogaaminta iyo go’aan ka qaadashada arimaha siyaasadeed ee qarankani leeyahay gudo iyo dibadba,dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu waajibinayaa mar walba cida loo soo doorto talada qaranka ee kalsoonida shacabka ku timaada inay tahay ta kaliyaata ee leh hogamainta qaranka. Wada hadalka ay xukuumadda Somaliland la leedahay Somaliya waxa ka masuul ah  oo u xil saaran xukuumaddan aan madaxweynaha ka ahay, ma jirto mana jiri doonto cid aan masuuliyad sharci lahayn inay si toos ah iyo si dadbantoona midna ay u gasho, cidii isku dayda inay u gacan dhaafto xukuumadda oo saamayn ku yeelan karta qaranka waxa loo aqoonsanayaa in dastuurka iyo sharuucda dalka u yaala ay baal mareen, waxay xukuumaddu u digaysaa cid kasta oo dibin daabyo qarankan u gaysanaysa iyada oo laga qaadi doono talaabo waafaqsan shuruucda dalka, loona aqoon sanaayo inay yihiin qaran dumis.arimaha Somaliland waxa ay masuuliyadi ka saaran yahay dawlada Somaliland.”

Ugu danbayntii madaxweyneha oo la waydiiyay maadaama oo ay xukuumaddu iska reebtay xisbiyadii mucaaradka ahaa, qaarkoonda ay ku dhawaaqeen in wada hadalo kale ay la furayaan Somaliya, taasi miyaanay sumacad daro ahayn, waxa uu ku jawaabay“Sumcad daro maaha masuuliyada qaranka waxa loo doortay oo shacbigu uu doortay dawlada Somaliland, cida ay u aragto ayay kaxaysanaysaa,cidii ay ka tagaysana way ka tagaysaa, masuuliyada iyo xilku waxa uu saaran yahay dawlada Somaliland cid aan loo dooran masuul kama noqonayso.”