Hargeysa (Geeska) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa shalay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye iska diwaangeliyey, isaga oo la siiyey kaadhaka shirka 5-aad ee xisbiga Kulmiye oo dhici doona 10 November.
Madaxweynaha ayaa xarunta xisbiga ka hadlay, waxaanu yidhi “farxad waynbay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay ee shacabka iyo ummaddu doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin.”
Ugu danbayntii madaxweyne Siilaanyo ayaa qaatay kaadhka ergada golaha dhexe ee shirweynaha 5-aad ee Kulmiye