Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wakiilada Somaliland Ee Djibouti Iyo Kenya

0
663

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wakiilo cusub u magacaabay wadamada Kenya iyo Djibouti isagoo xilalkii ka qaaday wakiiladii hore ee wadamadaas. Warsaxafadeed uu shalay soo saaray xoghayaha saxaafadda ee madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir (Naasir-Naska) ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu wakiilka Somaliland ee Kenya u magacaabay Md. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), halka uu wakiilka Djibouti u magacaabay Maxamed Warsame Cali Cigaal, isagoo xilkii ka qaaday wakiilkii hore ee Kenya Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), islamarkaana uu is casilaad ka aqbalay wakiilkii Djibouti Maxamed Xirsi Qalinle. Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan, “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3129/032015 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey wakiilada Somaliland u fadhiya Dalalka Kenya iyo Jabuuti. Madaxweynuhu:-  Markuu Arkay:                    Picture5 Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;  Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;  Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya;  Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;  Wuxuu go’aansaday 1.In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti. 2.In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.”