Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay u magacaabay Md. Barkhad Jaamac Xirsi, inuu noqdo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dadka la hayb sooco.
Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir, kaas oo sidan u dhignaa “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay 0172/102011 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco ee Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda jagadan,
Markuu Ka fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay
Wuxuu go’aansaday:- In Mudane, Barkhad Jaamac Xirsi, laga bilaabo taariikhda manta [shalay] 17.10.2011 uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka La Hayb sooco ee Jamhuuriyada Somaliland.”