Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Cabdillaahi Cabdi Faarax (Deyr) oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul ayaa u dhignaa sidan : “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr), oo taariikhda maanta [shalay] ee 19/09/2015 ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr) waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyada 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay, ahaana wakhtigaa maayar ku xigeenka Muqdisho.
marxuumku isaga oo halkii ka sii wada dedaalkii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland waxa uu ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo farxad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega somaliland isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka 1996-1998kii waxa uu ahaa gudoomiye iyo Duqa Berbera ka ahaa Gobolka saaxil.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”