Harare(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa mar kale isu soo sharaxaya tartanka doorashada madaxtinimo ee dalkaas oo qabsoomaysa 2018.
Xisbiga haya talada dalkaas ZANU-PF ayaa ku dhwaaqay in hoggaamiyahan oo 92 jir ahi uu doorashada dambe ee 2018 isa soo sharaxayo, ka dib markii xisbigu cod aqlabiyad ah ku doortay inuu murashax madaxweyne noqdo. Xisbiga ayaa sheegay inay taageersanyihiin go’aanka ay garabka dhallinyarada xisbigaasi hore u gaadheen oo ahaa in Robert Mugabe uu talada dalkaas hayo ilaa inta uu noolyahay.
Madaxweyne Mugabe, ayaa amaanay xisbigiisa, waxaanu dadkiisa u soo jeediyay inay isku duubni muujiyaan.
Robert Mugabe, ayaa talada dalkaas qabsaday sannadkii 1980, waxaanu aqlabiyad ku guulaystaa doorasho kasta oo dalkaas ka dhacda. Dalka ayaa waxa ka taagan dhibaato dhinaca nolosha ah, iyadoo dhaqaaluhu marayo halkii u hoosaysay.