Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dhammaan kulamadii uu la yeeshay madaxda dalka Kenya ay ahaayeen kuwo guul kusoo dhammaaday.

0
111

Hargeysa(Geeska) Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Ayaa Sheegay In Dhammaan Kulamadii Uu La Yeeshay Madaxda Dalka Kenya Ay Ahaayeen Kuwo Guul Kusoo Dhammaaday.

Waxa uu sheegay in kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, uu ahaa mid midho-dhal ah, isla markaana ay isku afgarteen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in kulankii uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka uu ka mid ahaa kulamadii ugu guulaha badnaa intii uu joogay Nairobi, isaga oo xusay in beesha caalamku ay Somaliland ku bogaadisay nabadaynta ay ka samaysay gobolladii ay colaaduhu ka dhaceen.

“Somaliland waxyaabaha loogu soo joogsado ee lagu tixgeliyo waxa ka mid ah doorashadii dhowaan dalka ka dhacday, xasilinta amniga, iyo qaranaynta ciidanka oo ay dunidu wax weyn u aragto. Ceel-afweyn, duniduba way la socotaa in aynu nabad ka dhignay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Wuxuu intaas ku daray in dunidu ay Somaliland u soo jeedsanayso haddii ay nabadda ilaaliso, isla markaana ay shacabkeedu muujiyaan midnimo iyo isku duubni. “Somaliland labadaas ayay ku iibsamaysaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxwaynuhuu in xukuumaddiisu ay xooga saarayso xoojinta xidhiidhka ay la leedahay waddamada gobolka ee muhiimka u ah Somaliland, isaga oo xusay in kadib safaradii uu ku tegay Jabuuti iyo Kenya, uu safarkiisa saddexaad dhowaan ku tagi doono Itoobiya.

Ugu dambayn, waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay shacabka doortay, isagoo sheegay in marka uu dhammaado muddo-xileedkiisu aan saacad dheeraad ah loogu dari doonin, isla markaana uu doorashada ku qaban doono waqtigeeda insha allah