Madaxweynaha Oo Hay’ado Madaxbanaan Hoos Geeyay Wasaaradihii Ay Ku Tiirsanayaan

0
515

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray Digreeto uu Hay’adaha Telefishanka Qaranka, Xafiiska Xidhiidhka WFP, Guddida Xasuuqa Qaranka iyo Hay’adda Qurba jooga ku hoos geynayo wasaraaddaha ay khuseeyaan.

Madaxweyne Siilanayo waxa uu Telefishanka Qaranka hoos geeyey wasaaradda Warfaafinta, Hay’ada xidhiidhka WFP waxa uu hoos geeyey wasaaradda Dibu-dajina, guddida xasuuqa Qaranka waxa uu hoos geeyey wasaaradda Cadaaladda, halka hay’adda Qurbajooga uu ka hoos geeyey wasaaradda Arrimaha dibeda.

Madaxweynuhu waxa uu go’aankan ku gaadhay kadib markii uu tixraacay lifaaqyadii golaha wakiiladdu ku ansixiyeen miisaaniyadad qaranka 2014 kuwaas oo sheegayay  in hay’adda aan xeerarka lahayn 90 gudahood lagu hor keeno golaha wakiiladda haddii kale aan  loo sii dayn doonin Miisaaniyadda.

Marka laga yimaado kuwa uu hoos geeyey wasaaraddaha waxa uu madaxweyne siilaanyo balan qaaday kuwa kale sida Hay’adda ilaalinta tayada oo kale in uu sharcigooda golaha ku horgeyn doono wakhtiga loo qabtay ka hor.