Xuseen Axmed Caydiid
Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, waxaanu tilmaamay in hantida umadda sida la doono loogu takrifalyo, Xisbiga Kulmiyena ku ololaynayo, waxaanu tilmaamay in aanay jirin cid Madaxweynaha wax iskaga tiranaysa, oo amarkiisa qaadanaysa.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib u dejinta iyo Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, aanu lahayn aragti siyaasadeed oo uu dalka ku hogaamiyo, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan Xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu yahay Xisbi dalka ka saari kara xaalada uu dalku maanta ku jiro, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dadka qaar Axsaabta wey aasaasaan oo meel hore ayey ka soo qaadan, dadka qaarna markay guushu muuqato ayey raacaan, maantana waxay taagan tahay in guushii Xisbiga Waddani caddahay, marka xilli cid guul doonaysay oo dhami ku soo biiraysay ayaa la joogaa, Xisbiga laftiisu guusha uu u baahan yahay, oo cid walba oo ku soo biirta waxay sii xaqiijinaysa guusha Xisbiga”.
Mar uu ka hadlaayey Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “XIsbiga Kulmiye maanta wuxuu taagan yahay xaalad kala yaac, oo doodii maalintii dhawayd ninka sheegayanaya Musharaxa Xisbiga Kulmiye, uu ku dhacay, oo aragti uu dalka ku hogaamiyo in aanu lahayn ayaa caddaatay, umadduna wey tashanaysa, oo dhibtan dalka ka taagan ee Xukuumaddan sii dhacaysa baday, inay umaddu ku sii jirto, maaha ee waxa loo baahan yahay is bedel”.
Mar uu ka hadlaayey ololaha iyo hantida umadda ayaa yidhi “Hantida la boobayo iyo ta la doonayo in dalka lagu haysto, waa xaaran, ama wixii ay umaddu ku aamintay Xukuumadda ha noqoto ama waxa dibaddaha ka soo galaya, ee hantida umadda la dhaafsanayo ha noqote, waa qayrul sharci,dadka xukunkii dalku u gacan galay ee maafiyada ahi, waxay ku dirirayaan sidii ay dalka u sii haysan lahaayeen, umadduna wey arkaysaa in waxa lagu ololaynayaa inuu hantidoodii yahay, ee kii ka qaadan karayaa ha ka qaato, kii kale ee gaadhi waayaana is bedel ha ka raadsado, oo sidii dalka loo badbaadin lahaa, loona dabaqabatayn lahaa in falawgeed la galaa, ayey noqonaysaa, haddii uu Kulmiye shan sanno oo dambe uu dalka ku soo noqdana Somaliland, dib loo arki maayo, Wixii labadii sanno ee ugu dambeeyey dalka gaadhay, waxa loo adkaysan karo maaha”.
Mar uu ka hadlaayey wareegtadii Madaxweynaha ee ahayd in hantida umadda lagu ololayn iyo sida uu u arko ayaa yidhi “Madaxweynahana waxba iskaga tirin mayaan, inuu joogo iyo in kale mooyi, Madaxweynaha looma joojiyo haddii wax la iskaga tirinayo oo uu nool yahay soo muu joojiyeen hantida umadda ee la boobayo, inta xukunka ku curduduuban ayaana waxaas sameeynaysa, wixii ay doonaan ha faraqaan ee umadda ayey u taala, siday yeelayaan, cidna gacanta qaban mayaan marka sanduuqa la dul tago”.
Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Badbaada umaddu waxay ku jirtaa gacantaas dadka iyo warqadaas sanduuqa lagu ridayo, markaas taas ayaan dadka kula dardaarmayaa oo aan leeyahay ku badbaadiya warqadaas aad sanduuqa ku ridaysaan, ka arkaya inuu dalku sii jabayo, haddana caqligiisu badbaadinta keeni kari waaya,waa lala xisaabtamaya, oo ALLE uu la xisaabtamaya, oo ILLAAHAY umadda uu la xisaabtamaya, oo qof walba garashadiisa waa lagula xisaabtamaya, balse inta umadda wax garanaysa ee arkaysa in dalkii jar ka sii laad-laado,ee maalintaas badbaadin weydaa, waa u ayaan daro, ee umadda waxaan leeyahay dalka badbaadiya, oo codkiina ku badbaadiya, oo codkiina siiya Xisbiga Waddani, si looga baxo dhibaatooyinka dalka ka taagan”.