Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ballaadhan Oo Ka Kala Socday Dalal Iyo Qaarado Kala Duwan; Sida Afrika, Asia, USA Iyo Yurub (Kenya, Tanzania, Uganda, USA, Qatar, China, India Iyo Austria) Weftigaasi Waxa Hoggaaminayey PLO Lumumba Foundation.
Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen sidii loo maalgashan lahaa fursadaha badan ee dihin ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa weftiga soo dhaweeyey, kuna dhiirrigeliyey in ay maalgashadaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Tamarta , Wax-soo-saarka iyo Kheyraadka dabiiciga ah, kuwaasi oo ah fursado ballaadhan oo dihin oo u baahan in la maalgashado isla markaana loo rogo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur bulshada JSL u horseeda horumar la taaban karo.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka jirto nabad, xasillooni, deggenaansho siyaasadeed oo la isku hallayn karo, maamul hufan iyo hannaan dimuqraadi ah, taasi oo suurto-gelinaysa in la sameeyey maalgashi waxtar u leh labada dhinacba.
Iyaguna dhinacooda, weftigan ballaadhan ee ka kala yimid qaarado iyo dalal kala duwan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-naqay soo dhaweynta diirran iyo wadahadallada midho-dhalka ah.
Waxa ay ballan qaadeen in ay si mug leh u darsi doonaan fursadaha kala duwan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta, wax-soo-saarka, khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyaga oo ka marag-kacay in Somaliland ay tahay dal leh nabad, xasilooni iyo degganaansho siyaasadeed oo dhiirri gelin karta, soona jiidan karta maalgashiga caalamka.