Loolanka Shirkadaha Ku Hirdamaya Maamulka Dekedda Berbera Oo Soo Laba-kacleeyay

0
654

Hargeysa(Geeska)-Loolanka ay shirkadaha shisheeye ugu jiraan in lagu wareejiyo maamulka dekedda Berbera ayaa mar kale soo cusboonaaday, iyadoo ay ku soo biireen shirkado cusubi.

1111111111111

Wargeyska the Indian Ocean, ayaa cadadkiisii u dambeeyay wuxuu warbixin dheer ka qoray baratanka shirkadahaas, waxaanu sheegay in shirkadda Bolloré Africa Logistics (BAL) oo hore saaxadda uga yara baxday ay hadda soo laba kaclaysay, iyadoo ay tartanka ku soo biirtay shirkad laga leeyahay dalka Switzerland oo lagu magacaabo Mediterranean Shipping Company (MSC). Sidoo kale waxa iyana hore u taagnayd shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wargeysku, wuxuu xusay in soo laabashada shirkadda BAL darteed uu magaalada Hargeysa safar ku iman doono bisha February ee bilaabmaysa safiirka Faransiiska ee Kenya danjire Rémi Maréchaux, si uu masuuliyiinta dawladda Somaliland ugala hadlo in shirkadda BAL lagu wareejiyo dekedda Berbera. Sidoo kale socdaalkii uu horaantii bishan January wasiirka khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire ku tagay dalka Ingiriiska, ayuu isna wargeysku sheegay in masuuliyiintii Ingiriiska ee uu la kulmay ay kala hadleen mawduucan, iyagoo u soo jeediyay in qandaraaska dekedda Berbera la siiyo shirkadda BAL ama shirkadan kale ee MSC, iyagoo si gaar ah u door bidayay shirkadda BAL.

Wargeysku, wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo maalgeliyay daraasaadii lagu cabiray dhismaha jidka Berbera iyo Addis Ababa ee [Berbera corridor] ay doonayaan in qadaraaska la siiyo cid ka soo jeeda reer Yurub kuwaas oo dabcan ay doonayaan in BAL ama MSC ay ku guulaysato.

Geesta kale shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ayaa iyana ku jirta loolan adag, iyadoo dawladda Somaliland ka codsatay in la siiyo qandaraaska dekedda Berbera, waxaana laga war qabaa in Madaxweyne Siilaanyo dhawr goor safaro kala duwan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaate, dekedda Berbera oo ah mid caalami ah oo ku taala kadin istaraataji ah, ayaa waxa shirkadahan ku hirdamaya uu mid waliba doonayaa inuu bedka soo dhigo lacagta uu doonayo in lagaga kireeyo si uu u maalgeliyo. Laakiin dawladda Somaliland ayaan inta badan ka hadal wada hadalada ay la leedahay shirkadahan iyo weliba shirkada ay door bidayso.