Kulan Dhexmaray Golayaasha Sharci Dejinta Iyo NAFIS Network

0
468

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay kulan muhiim ahi dhexmaray guddiyada arrimaha bulshada ee labada gole (Guurtida iyo wakiilada) iyo Haayadda NAFIS Network ee ka shaqaysa ladagaalanka gudniinka Hablaha; oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah iyo Wasaaradaha caddaalada iyo arrimaha bulshada.

Kulankan oo ku saabsanaa sidii xeer xakameeya loogu helilahaa dhibaatada gudniinka Gabdhaha oo ay mudaba ku hawlanaayeen ururada bulshada rayidka ah iyo haayadaha dowliga ah ee caruurta qaabilsan. Kulankan ayaa ku bilawday warbixin caafimaad oo uu soo jeediyay mid ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee Somaliland; kaasoo ay daba socotay dood dheer iyo wada hadal dhex maray xubnaha ururada bulshada rayidka ah iyo Xildhibaanada kulanka ka qayb galay.

Xildhibaanada ayaa si weyn u garawsaday dhibta ay qabaan hablaha Somaliland iyo maangalnimada curinta xeer xakameeya dhibaatadaas oo ay meel mariyaan golayaasha qaranku, Waxaanay si adag u ballan qaadeen inay qayb laxaadleh ka qaadan doonaan oo ay hormuud ka noqon doonaan xal u helidda arrintan (dhibaatada gudniinka gabdhaha).

Gaba gabadii kulanka waxaa la isla qaatay in laga wada shaqeeyo ka midho dhalinta arrintan, iyadoo lagu heshiiyay in la isugu yimaado kulan ballaadhan oo saddex geesood ah oo ay kasoo qayb galaan guddiyada arrimaha bulshada ee labada gole, Wasaaradaha ay khusayso iyo Ururada bulshada rayidka ah, kulankaas oo ay NAFIS Network ballan qaaday inay hormuud ka noqon doonto.