Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Ku Baaqay In Xildhibaan Maxamed Abiib Uu Cadaalad Helo

0
42

Hargesa(geeska) Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland oo booqasho ugu tagay Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan uu xildhibaanku u helo cadaalada uu xaqa u leeyahay.
Qoraal kasoo baxay koomiishanka kadib booqashada ayaa lagu sheegay in uu Xildhibaan Abiib u sheegay in aanu garanayn waxa loo xidhay, isla markaana qalabkiisii iyo alaabtiisii ay booliisku la wareegeen, dhinaca kale waxa uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmay markii la qabanayay iyo imika oo uu jeelka Madheera ku xidhanyahayba.
“Koomiishanku waxa uu walaac ka muujinayaa xidhnaanshaha xildhibaanka oo golaha wakiilada ee uu ka tirsanaa ay diideen in laga qaado dhawrsanaanta, sidookale, in aan la tixgalin qodobka 27 (2) oo dhigaya xuquuqda horgaynta maxkamada awooda u leh muddo 48 saacadood ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka markale cod caqlabiyad ah ku diiday waraaq uga timid xeer ilaaliyaha guud, xeer ilaaliyaha ayaa diiday in uu golaha hor yimaado, waxaana jira xildhibaano ku baaqaya in uu goluhu kalsoonida kala noqdo.

Warsaxaafadeedka ay soo saaren  Komishanka Xuquugda Aadamaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu qorna sidan

 

Tix:K/XA/SL//2/2024 16/09/2024

War-Saxafadeed

Komishanka Xuquugda Aadamaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo ka duulaaya waajibaadka uu uga masuulka yahay Qaranka; sida ku xusan Xeer Lr. 39/2010. Komishanku wuxuu boogasho ugu tagay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL, taarikhdu markay ahayd l1/9/2024 oo ku xidhan xabsiga Madheera. Ujeedada boogashadan ayaa ahayd in uu Komishanku u kuur galo xaaladda uu ku sugan yahay xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu Komishanka u sheegay in la soo xidhay 02/09/2024, isaga oo ka yimid dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, lagana soo xidhay gegada diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal. Waxaanu sheegay inay soo xidheen ciidanka Booliska JSL oo kuna wargaliyay in ay amarka ku qabaan xadhigiisa. Intaa waxa uu ku daray Xildhibaanku in dhammaan agabkiisii ay kala wareegeen ciidankii Booliska ee soo xidhay. Waxa kale oo uu Komishanka u sheegay: in aanu ilaa hadda garanayn sabbabta uu ku xidhan yahay; oo aan loo sheegin eediisa.

Xidhibaanku waxa uu Komishanka u sheegay in Xubnihii Ciidanka Booliska ee loo soo diray ay ula dhaqmeen si fiican; 00 aanay kula kicin wax dhibaato jidheed ah iyo handadaad toona. Sidoo kale, wuxuu sheegay in taliyaha xabsiga Madheera iyo Ciidanka Asluubta ee xabsiga joogtaaba ay ula dhaqmeen si wanaagsan. Intuu xidhnaa Xildhibaanku waxaa soo booqday xubno ka mid ah qoyskiisa.

Dhanka kale, Komishanku wuxuu soo arkay: goobta uu xildhibaanku ku xidhnaa inay ahayd meel nadf ah, xaaladiisa caafimaadna ay ahayd mid wanaagsan.

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranku waxa uu walaaca ka muujinayaa sii xidhnaanshaha xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf maadaama, oo Golaha Wakilada JSL ee uu ka tirsan yahay ay cod ku diideen in laga qaado Dhawrsanaanta (Xasaanada). Sidoo kale, in aan la tixgelin qodobadda dastuurka ee kala ah Qod. 27(2) oo dhigaya xuquuqda horgaynta maxkamada awoodda u leh mudo 48 saacadood gudahood, Qod. 49(3) oo  sheegaya dhawrsanaanta Xubinta Golaha Wakiilada JSL , iyo Qod. 79(1) oo sheegaya in xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) aan loo gudbin karin xabsi ila laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan. Gabogabadii, Komishankan Xuquuqda Aadamaha Qaranku wuxuu soo jeedinaynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf uu u helo xuquuqdiisa