Khuraafaadka Nambarada Iyo Cabsida Ay Dad Badani Ka Qabaan Nambarada Isu Eeg Ee 11.11.11

0
629

 

geeskaSannadka 2011, waa sannad lagu xasuusan doono dhiig badan oo daatay, dhul gariirro, duufaanno iyo daadad dad iyo duunyo badan la tegey, waa sannad kelidii sahayday 4 madaxweyne, mid shanaad olol ku shiday, kii lixaadna hadda ku garaacaya albaabada Dimishiq si loogu soo dhiibo madaxa hoggaamiyaheeda. Waa sannad si la yaab leh ugu caan noqday lambarka 1 (Kow).

 

Waxa uu ku biloday afar kow oo soo noqnoqday, 1-1-11 (1-dii bishii koowaad ee sannadka 2011-ka) waxaana ku lammaanaa tirooyin dadka lambarrada ku mashquulaa ay waqti badan ku maarraroobeen.

– Haddii aad tahay dadka dhashay sannadkii 2000 ka hor, oo labada lambar ee ugu dambeeya sannadkii aad dhalatay, aad u geyso da’daadu hadda inta ay tahay, waxaa aad arki doontaa, lambarka 1 (Kow) oo saddex jeer soo noqnoqday. Tusaale ahaan, haddii aad dhalatay sannadkii 1985-kii, da’daadu maanta waa 26 sano, marka aad isu geyso labada lambar ee u dambeeya taariikhda aad dhalatay oo ah 85 iyo da’daada, waxaa kuu soo baxaya 111.

– Haddii aad tahay dadka dhashay intii ka dambaysay sannadkii 2000, oo aad isu geyso labada lambar ee ugu dambeeya sannadka dhalashada iyo da’da imika aad tahay waxaa kuu soo baxaya 11. Tusaale ahaan haddii uu ilmuhu dhashay sannadkii 2002 maanta waxa uu jiraa 9 sano, marka sagaal loo geeyo labada lambar ee dambe oo ah 02 waxaa kuu soo baxaya 11.

– Sannadka 2011-ka waxaa ku jira maalin taariikhdu noqonayso lambarka 1 oo lix jeer soo noq-noqday, waa maalinta 11-11-11 oo ku beegan maalinta jimce ee foodda innagu soo haysa, 90 sano kadib oo ah taariikhda 11-11-2101 ayuun baana la arki doonaa mar labaad lambarka kow oo maalin keliya lix jeer soo noqday.

– In kasta oo lambarka 2 qudhiisu uu qarnigan gudihiisa ina soo mari doono mar uu lix jeer soo noqday oo ah taariikhda, 2-2-2022-ka haddana taas wax dhici doona hadda lama saadaalin karo, gaar ahaan marka la barbar dhigo sannadkan 2011-ka oo wax badan looga soo joogay.

Dadka inta badan lafa gura dhacdooyinka khuraafaadka ah, isla markaana jecel in lambarrada ay ka sahamiyaan dhacdooyinka ama haddii aynu si qaawan u nidhaahno dadka ka faaliya lambarradu, iyaga oo niyadda ku haya is beddellada siyaasiga ah ee sida sixirka u qallibay dunida carabta iyo meelo kale, waxa ay wadnaha farta kaga hayaan in maalintan yaabka badan ee 11-11-2011-ku ay noqon karto maalin hawlaheeda wadata, waana sababtaa ta keenta in dad badan oo xidigiyaa ay maalintan indhahooda si gaar ah ug usoo jeediyaan.

Kooxaha balaayo doonka:

Dareenka maalintani waxa uu si gaar ah ugu mudan yahay, koox reer Holland ah oo dunida looga yaqaanno kooxda masiibada, (Tragic group). Kooxdani waxa ay muddooyinkanba wadday falanqayno iyo daraasayn ay ku samaynaysay lambarradan iyaga oo ku andacoonaya in ay baadhayaan habka ugu fiican ee looga badbaadi karo waxa ay ugu yeedheen hooyada masiibooyinka oo ay ula jeedaan maalintan 11-11- 11-ka, waxaana ku jira kooxo iyagu kuba sii talax tegey oo ku siganaya in ay maalintan ku sheegaan in ay tahay maalintii dunida la laabayey. Waxa ay aaminsan yihiin in waagu maalintan la beryi doono masiibooyin iyo aafooyin meelo kala duwan siyaabo kala duwan uga dhacaya.

– Akhriste, si aanay saamayn kuugu yeelan sheekadan khuraafaadka ahi aynu xusno kuwo ka mid ah dadka niyadda wanaagsan oo iyagu maalmahanba bogaggooda internet ka ku baahinayey bushaarooyin sheegaya in maalintan 11-11-11 ay tahay maalin ay mushkilado badan oo dunida ka jiraa soo af jarmi doonaan, waxa ay ku doodayaan in kacdoonnada dalalka carabta ka jiraa degi doonaan oo aanay madaxweyne dambe galaafan doonin, masiibooykinka kale ee dabiiciga ahina aad isu dhimi doonaan inta sannadka ka hadhay, marka ay sidan leeyihiin waxa ay xujo ka dhiganayaan in dagaalkii koowaad ee adduunku uu dhammaaday maalin sidan oo kale lambarka 1 lix jeer u soo nqoday, waa 11-kii subaxnimo ee 11-11-1918. Si kastaba ha ahaato ee dadkani waxa ay si macquul ah u sheegayaan in aan xidhiidh laga dhexeysiin karin dhacdooyinka dunida iyo taariikhaha ay ku beegmayaan.

Dadka khuraafaadka aaminaa waxa ay si fiican u soo qaataan laba dhacdo oo yaab leh oo ku beegmay maalin sidan oo kale lambarka 1 uu ugu soo noqnoqday taariikhda, waa 11-11-1911-kii, oo ay sidan wax u dhaceen: La soco…