Kamaradda Talefankaaga Gacanta Ayaa Ku Basaasaysa

0
649

Picture7Hargeysa (Geeska)- Haddii aad aragto sawirkaaga ama sawirka qof ehelkaaga iyo saaxiibbadaada dhow ka mid ah oo si anshax darro ah ama fadeexadayn ah loogu isticmaalay Internet ka, oo weliba uu yahay sawir adiga uun kaa baxay, waxa aad dareemi doontaa cadho daran iyo in aad naftaada ku canaanato in aanay marka hore taxaddarkii loo baahnaa samayn.

Waxa aad ogaataa in kamaradda talefankaaga (Xagga hore iyo xagga dambe labadaba) iyo sidoo kale sameecaddu ay khatar ay si fudud u noqon karaan basaas xogtaada cod iyo sawirba u gudbiyoa shabakado internet ka ka mid ah oo siyaabo kala duwan basaasnimo loogu samaystay. Haddii kamaraddu ay tahay sida in badan dhacda mid aad marka horeba internet ka kala soo degtayna khatartu waa ay sii badanaysaa. Internet ka waxaa ku jira duruus iyo faahfaahimo caddaynaya qaabka ugu sahlan ee talefankaaga gacanta loo soo dhex mari karo adiga oo aan ogeyn, waxa aanay ku xidhan tahay hadba nooca uu yahay talefanku, barnaamijka uu ku shaqaynayo.

Qormadan uu Geeska Afrika soo turjumay oo aanu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Al-Jazeera waxa aynu ku eegaynaa tafaasiil la xidhiidha arrintan yaabka badan.

– Budhcadda internet ku waxa ay adeegsadaan barnaamijyo iyo farsamooyin meel dheer laga maamulayo iyo sidoo kale Fayrasyo u suurtogelinaya in ay maamuli karaan kamaradaha talefannada, tablets ka, iyo komibiyuutarrada, kadibna iyada oo qofka lihi aanu ogeyn ay shidi karaan oo weliba ay si toos ah u bilaabi karaan sawir qaadista, mararka qaarkoodna sawirradaasi iyaga oo aan soo marin qaybaha kaydka ee talefanka ay si toos ah ugu gudbayaan internet ka si ay ugu shubmaan meel kooxahaasi ugu talo galeen oo u gaar ah.

Kooxahani maxay ku falayaan sawirradan:

Kooxaha budhcadka ahi sawirradan waa ay ka ganacsadaan, waxa aanay ka iibiyaan degellada internet ka ee faafiya fadeexadaha iyo arrimaha jinsiga la xidhiidha, sidoo kale xayeysiisyada aan fiicnayn ee dadku inta badan diidaan ayaa loo adeegsadaa.

Sirdoonnada:

WAxaa iyaguna farsamadan oo kale mara haayadaha sirdoonka, gaar ahaan kuwa ku lug leh hawlgallada ka dhanka ah waxa loo yaqaanno argagaxisada, si ruuxa ay tuhmayaan ay caddayn ugu helaan ayaanay adeegsadaan isla talefankiisa, kombiyuutarkiisa ama qalabkiisa kale ee sidan oo kale u shaqaynaya, oo ay kala baxaan xogta ku jirta, kamaraddaa ku sawiraan hadba halka uu joogo, iyaga oo sidoo kalana duuba codka uu ku hadlayo iyaga oo adeegsanaya isla qalabkiisan qaybtiisa codadka duubta, kadibna internet ka kula baxaya.

Talooyin muhiim ah:

1. Ku dadaal in kombiyuutarkaaga iyo talefankaaga gacanta aad ku shubto barnaamijyada la dagaallanka Fayraska iyo tuugada Internet ka.

2. Hubi in kamaradda kombiyuutarkaaga iyo talefankaagu ay bakhtiisan yihiin marka aanad isticmaalayn.

3. Haddii ay kuu suurtogasho kamaraddaada waxa aad ku dabooshaa walax ama xabag yar oo aan fool xumo ku keenayn. Waxaa jira xabag ama rabadh arrintan loogu talagalay oo suuqyada laga helo iibka qalabkan laga helo.

4. Ku dadaal in talefankaaga gacanta aad ka fogeyso qolkaaga hurdada, gaar ahaan marka aad dareensan tahay in fayras iwm ay galeen talefankaaga ama aaladda kale ee la mid ah ee aad haysato.