Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Xasan Cismaan Sabce oo ahaa guddoomiyaha guddiga garabka Jamaal Cali Xuseen u qaabilsanaa wada hadalada labada xisbi ee KULMIIYE iyo Waddani, ayaa ka hadlay arrimo hoose oo uu Jamaal u soo bandhigay si ay ugu biiraan xisbiga KULMIYE.
Mr. Sabce oo ka jawaabayay hadalo Jamaal ka soo yeedhay ayaa yidhi “Shan sannadood ayaanu Jamaal la soo shaqaynaynayn, shantaaba daacad ayaanu kula soo shaqaynayay, waxaanu ahayn raggii ka tagi waayay ee magaciisa ku dagaalamayay.” ayuu yidhi.
Isagoo ka hadlaya natiijadii ay ka gaadheen wada hadaladii labada xisbi oo ay Jamaal kula noqdeen wuxuu yidhi “Waanu kula noqonay wixii ka soo baxay labada dhinacba waanu u sheegnay,Jamaal been kumaanu aqoon oo wuxuu nagu yidhi shantiinaasi u taliya xisbiga, anigu labada midna geli maayee, waa runtiisa runa wuu ka sheegay.”
Isagoo ka hadlaya arrimo uu Jamaal u sheegay wuxuu yidhi “Jamaal wuxuu aniga gaarnimo iigu sheegay haddii aad guri leedahay oo lagaa dumiyo yaad gurigii ku leedahay saw maaha ciddii kaa dumisay, Haa ayaan ku idhi laakiin lacagtaad doonaysaa waa intee, waddaniba waa laga soo qaadiyee. Jamaal wuxuu noo keenay in shantayadii oo uu nin ka reebay laba kalena ku daray in nin walba looga soo qaadayo bil walba kun dollar oo guno ah yaa ilaa inta muuse helayo.”
Wuxuu sheegay Mr. Sabce inay Jamaal ku gacay saydheen soo jeedintaas, waxaanu sheegay inuu Jamaal u leexday dad uu sheegay inay muddo badan dagaal ku hayeen.