Paris (Geeska)- Warbixin cusub oo haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo hiddaha ee UNESCO ay ku eegaytay afafka dunida wax lagu barto ayaa daahfurtay in tirada carruurta dunida maanta ku dhaqan ee waxbarahadooda ku qaata luuqad aanay fahmayn ay gaadhayso boqolkiiba 40 tirada guud ee carruurta waxbarata.
Warbixinta UNESCO oo khubarada diyaarisay ay ugu magac dareen, “Haddii aanad fahmayn sidee aad wax-u-baran kartaa” waxaa faafinteeda lagu beegay 21kii Bishii hore ee Feebarweri oo ah maalinta Qaramada Midoobey ugu astaysan daryeelka Afka-Hooyo, waxa aanay in ilmaha oo waxbarashadiisa ku qaata af aan kiisa ahayni ay saamayn taban ku yeelanayso waxbarashadiisa.
Agaasimahha guud ee haayadda UNESCO Irina Bokova ayaa iyaduna si aad ah u adkaysay muhiimadda uu leeyahay mabda’a aasaasiga ah ee sheegaya in carruurta wax lagu baro afka ay ku hadlaan, laakiin taas macnaheedu aanu ahayn in afafka kale aan la barin. Iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxa ay tidhi, “In la dhiirrigeliyo in si buuxda loo ixtiraamo afka hooyo oo loo isticmaalo waxbarashada, iyo in haddana la barto lana horumariyo sidii loo baran lahaa afaf kala duwan waa laba arrimood oo muhiimaddooda leh, marka la eego qorshaha cusub ee waxbarashada caalamiga ah, oo muhiimadda koowaad siinaya tayada iyo dhamaystirnaanta iyo in waxbarashada dadka oo dhami helaan” Marwo Bokova waxa ay hoosta ka xariiqday in siyaasadda ah in luuqdaha shisheeye wax lagu bartaa la bartaa aanay faa’idadeedu ku koobnayn wanaajinta heerka waxbarashada oo keliya, balse ay sidoo kale door muhiim ah ku leedahay abuurista ruux wada-noolaanshiyo iyo isu-dulqaadasho oo bulshooyinka ka dhex abuuranta iyo in isku xidhnaanta bulshooyinku kor u kacdo, taasina ay aakhirka keenayso in nabaddu ay dunida ku faafto”
Warbixintan waxaa lagu sheegay in tijaabo ay haayadda UNESCO ku samaysay dalalka Guatemala iyo Itoobiya lagu ogaaday in ardayda dalka Guatemala ee dhigta dusgiyada labada af wax lagu bartaa ay darajooyin aad u sarreeya ka galeen barashada manhajka fasalkooda, darajooyin aad u sarreeyana keeneen imtixaanaadka maaddooyinka ay bartaan oo dhan. Dalka Itoobiyana ardayda wax ka barata dugsiyada qaybta ka ahaa barnaamijka waxbarashada ku salaysan labada luuqadood oo muddo 8 sano ah socotay ayaa laga arkay horumar fiican in ay ka sameeyeen dhammaan manaahijdtooda waxbarasho.
Baadhistan cilmiga ah ee haayadda UNESCO waxa ay iftiimisay sida ay ardayda wax-ku-barata afkooda hooyo ay mar kasta waxbarashada ugaga fiican yihiin kuwa ku barta Af qalaad oo aanay ku hadalkiisa caadi ahaan u isticaamlin. Tusaale ahaan dalka Ivory Coast tirada ardayda fasallada Shanaad ku jira ee sannadkii 2008dii bartay xirfadaha akhriska ee aasaasiga ah waxaa ugu badnaa oo boqolkiiba 55 ahaa ardaydda wax ku barta afka ay ku hadlaan marka ay gurigooda tagaan, halka ardayda wax-ku-barata af aanay guriga kaga hadal tiradoodu ka ahayd boqolkiiba 25 keliya.
Baadhis ay haayadda UNESCO ku samaysay 40 dal ayaa lagu ogaaday in tiro kala badh ka yar oo ka mid ahi uun ay aaminsan yihiinba muhiimadda ay leedahay in ilmaha wax lagu baro afka uu guriga kaga hadlo, gaar ahaan waxbarashada bilowga ah. Arrintaas oo ay haayaddu aaminsan tahay in aanay u fiicnayn mustaqbalka waxbarasho ee ilmaha. Waxa aanay keenaysaa in ilmuhu aanu ku mashquulin barashada afka ee uu xoogga saaro la bixista nuxurka iyo muhiimadda cilmi ee manhajka loo dhigayaa xambaarsan yahay. Waxa kale oo ay UNESCO baadhistan ku aragtay in macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada labada af ardayda wax ku baraa ay dhif tahay in ay yihiin macallimiin u diyaarsan aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba in ay labadaas af ee dugsigu doortay wax ku dhigaan. Waxa aana muhiim ah in barayaashan lagu tababaro sida ugu fiican ee laba af ilmaha wax loogu bari karo iyo sida ugu habboon ee macallinka labada af ardayda wax ku barayaa uu ku fahmi karo baahida ardayda waxbaranaysaa iyo meelaha ay tahay in laga caawiyo.
Ugu dambayntii dhukumantegan ka soo baxay haayadda UNESCO waxa uu soo jeedinayaa talooyin muhiim u ah in ilmaha wax lagu baro afka uu fahmayo, waxaana aynu ka xusi karnaa saddexdan talo:
1. Waa in ilmuhu uu muddada waxbarashadiisa ugu yaraan 6 sano oo ka mid ah ku qaato afkiisa hooyo, taas oo aad u xoojinaysa waarista faa’idooyinka waxbarasho ee uu ilmuhu kala baxayo waxbarashadiisa sannadaha bilowga ah.
2. Waxaa habboon in siyaasadaha waxbarashada loo dejinayo lagu aqoonsado muhiimadda ay leedahay in ilmuhu uu afkiisa hooyo wax ku barto.
3. Ugu dambayntiina dhukumantegan qaramada Midoobey oo qaybo ka mid ah uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Internet ka laga akhristo ee Ilaaf, waxa uu sheegayaa in ay muhiim tahay in macallimiinta dugsiyada lagu tababaro habka ilmaha laba af waxbarashadiisa loogu salayn karo.