Hungadda Hoggaamineed Ee Somaliland Iyo Himilada Hogaanka Wanaagsan

0
935

Picture7Waa qormooyin Taxane ah oo aynu ku lafa guri doono, hogaamintu doorka ay ku leedahay horumarka umadi gaadho, waxaynu tusaalooyin u soo qaadan doonaa waddamo badan oo ay horumariyeen hogaamiyayaashoodu, iyo kuwa badan oo u dhantaalan hogaan xumo, Qaarada africa iyo Qaybo ka mida Assia waxaa lagu tilmaamaa Dunida saddexaad, dhibtuna waxay ka haysataa helida hogaan wanaagsan oo ka saara, faqriga, collaadaha, kalidii talisnimada, cabudhinta saxafada iyo xoriyatul qawlka-Waxa igu kalifay markaan arkay hungadda hogaamineed ee madaxdeena si aynaan u galin qalad kale, waa qormo ah wax sheeg iyo gubaabo oo u baahan inay dadku dhugtaan lana wadaagaan eheladooda.

Xeeldheerayaasha Dhinaca aqoonta Hogaaminta Iyo Siyaasadu waxay xaqiijiyeen Muhiimada ay hogaaminta wanaagsani u leedahay dawlad wanaagsan oo dadkeeda iyo dalkeeda ku hagta horumar una horseeda badhaadhe. Hawlaha hogaamiyaha wanaagsani qabto, waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan, hogaaminta maamulka, dajinta iyo qorshaynta siyaasado cad oo wadanka horumar ku haga, abuurida rajo iyo ididiilo nololeed, abuurida hiigsi siyaasadeed oo midaynaya aragtida bulshadaa dhinaca siyaasada iyo horumarka, cadaalad samayn, xoojinta ciidamada iyo adkaynta nabadgalyada, tirtirida musuq maasuqa, xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka iyo caalamkaba, kobcinta saxaafada iyo xoriyatul qawlka, tayaynta waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha, kor u qaadidada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Susan Cain waa qoraaga buug lagu magacaabo ‘quiet’ oo ah mid ka mida buugaagta loogu jecelyahay ee ka warama hogaaminta iyo hogaamiyaha, Susan Cain waxay tidhi ‘uma baahna hogaamiyuhu inuu noqdo ka ugu qaylada dheer (“Leaders needn’t be the loudest), mana aha hogaamintu Tiyaatar wax lagu jilo oo laga muuqdo (Leadership is not about theater) mana aha inaad dadka xuurto ku qabsato ( It’s not about dominance), waxa weeyi inaad nolosha dadka ka hormariso waxkasta (It is about putting the lives of others before any other priority). 

Colonel (ret.) Stephen J. Gerras, oo ah borofisar ku takhasusay  cilmiga dabeecaddaha ahna bare wax ka dhiga Kuuliyada ciidamada ee wadanka maraynka ayaa waraysi uu siiyay jariirad ay leedahay jaamacada YALE oo uu kaga hadlayay hogaaminta iyo hogaamiyaha ayaa wuxuu tibaaxay ‘waxaan ka war waraa inay jiraan masuuliyiin loo doortay/loo magacaabay xilal waawayn sababtoo ah inay yihiin afmiishaaro si wacan u hadla dadkana ku kasban kara si fudud, (‘I worry that there are people who are put in positions of authority because they’re good talkers,) balse aanay dadkaasi lahayn curin iyo fikrado wanaagsan oo ay ku buuxin karaan mansabkaa loo cumaamaday,(but they don’t have good ideas,) wuxuu sii raaciyay waraysigiisaa, way fududahay inaad isku qalado aftahanimada iyo talentka .

Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarka iyo dhismaha qaranka waxa ka marag kacaya sida qaaradaha aduunyadu u kala horumareen, Qaarada Africa waxa la tilmaamaa inay ragaadisay hogaan xumo dhaxalsiisay colaado, dibu dhac dhaqaale, musuq maasuq, kalidii talisnimo, cabudhinta saxaafada iyo xoriyatul qawlka, inta badan wadamadani aqoonyahankooda iyo waxgaradkoodu way tahriibaan iyagoo raadsanaya nolol ka wanaagsan tay ku sugan yihiin waxaanay hoy u noqdaan wadamadani faqri iyo gaajo.

Bal aynu jaleecno dhinacaa iyo qaarada Assia , waa qaarad wadamadeedu horumar balaadhan sameeyeen bilowgii qarnigii 20’aad ilaa 21aad, waa wadamo ka soo gudbaya hogaan xumadii inta badan ragaadisay ee loogu hal qabsan jiray inay ka mid yihiin dunida saddexaad, waxay abuureen saylado waawayn oo ganacsi, waxay tacab badan galiyeen waxbarashada iyo technologyda casriga ah, waxay kobciyeen shaqo abuurkii iyo dhaqaalihii waxay sare u qaadeen wax soo saarkii, bal aynu jaleecno qaar ka mida wadamada Assia ee horumarka balaadhan gaadhay iyo doorkii hogaamineed ee hogaankooda.

Wadanka Malaysia, waa mid ka mid ah wadamada muslimka ah ee horumarka balaadhan sameeyay qarnigii 20aad ilaa 21aad, horumarka Malaysia waxa ku suntan raysal wasaarihii shaqada ka fadhiistay 2003dii Dr Mahathir bin Mohamad,  wuxuu ahaa raysal wasaarihii 4aad ee wadankaasi yeesho, wuxuu xilka raysal wasaare nimo qabtay sanadii 1981kii isagoo xilka ka dagay 2003dii, waa raysal wasaarihii ugu mudadda dheeraa, Mudaddaa uu Xilka hayay, Malaysia waxay ku talaabsatay horumar baaxadleh isagoo seeska u dhigay mashaariic horumarineed, wuxuu Malaysia ka dhigay wadan casri ah oo la jaan qaaday dunida horumartay, ‘During Mahathir's tenure as prime minister, Malaysia experienced a period of rapid modernization and economic growth, and his government initiated a series of bold infrastructure projects’ Wakhtigii uu xilka qabtay 1981kii,  52%  dadkiisu waxay ahaayeen sabool, Malaysia waxay ku tiirsanayd wax soo saarka dalaga beeraha oo kaliya, Wadanku muu lahayn wax warashado ah, Tamarta loo isticmaalo wax soo saarkuna gabi ahaanba may ahayn mid wadanka ku filan. Wuxuu qoray kitaab lagu magacaabo ‘The Malay dilemma’ uu ku canaananayo dadkiisa Malayga ah oo uu ku tilmaamayo inay yihiin dad ku liita waxsoosaarka kuna dhiiri galinayo horumarka,wuxuuna kasbaday qalbigooda, wuxuu Malaysia u badalay wadan maamul wanaagsan oo wax soo saar leh, 2002 dadkii faqriga  ahaa ee Malaysia waxay noqdeen 5% kaliya, 80% waxay ay dunida u iibgayso waa wax lagu sameeyo warshadaha dalka Malaysia, 85% gawaadhida ay kaxaystaan waxaa lagu sameeyaa dalka gudihiisa. Sidaas oo ay tahay isaga oo la jecelyahay ayuu xilka ka degay 2003 markii uu arkay in ay jiraan rag kale oo kaga haboon inay sii wadaan geedi socodka horumarka Malaysia.

Hogaaminta Wanaagsan Waxa Astaamaheeda ka mida talada oo dadka laga qayb galiyo ama waxa afka qalaad lagu yidhaa ‘participation’ sidoo kale waxa astaamaha u gaarka hoggaamiyaha wanaagsan inta badan lagu tilmaamaa in ay foolaad u yihiin: aragti dheeeri, weedh caddaan, hiraal ka gun gaadhid, daacadnimo, karaamo iyo buruud uu dadka ku kasbado , waxqabadka ku adkaysta, aftahanimo, wada hadalka ku fiican, wax qancin kara, xamaasad beeri kara, khatar u badheedhi kara, hiyi kicin dhalin kara, go’aan qaadasho leh iwm. Hogaamiyuhu kama qoomamoodo go’aanka uu talo ku gaadho balse way dhib badan tahay talada kalida lagu gaadhaa, Umadd Islaam ah markaynu nahay waxa marwalba inala gudboon inaynu tusaalooyinkii fiicnaa ee nabigeena SCW soo qaadano, wuxuu ahaa hogaan dhamaystiran oo aduunyada loo soo diray,  Nabigeena Suuban SCW, inta uusan Duulaankii Badar qaadin, wuxuu la tashtay Asxaabta wuuna ka talageliyey duulaanka, Saxaabigii waynaa ee Miqdaad binul Aswad ayaa ku yidhi Nabiga SCW “ku odhan mayno sidii reer bani  Isra’iil ay ku yidhahdeen Nabi Muse adiga iyo Rabigaa orda oo dagaalama anagu waanu iska fadhinaynaaye, ee Rasuulkii Allow soco oo na horkac anaguna waanu ku garab taaganahaye”. Rasuulka erayadaas wuu ku farxay wuxuuna asxaabta amray inay gaalada ku duulaan. Markii muslimiintu ay tageen ceelkii Badar, Saxaabi la odhan jiray Xabaab ibnu Mundir ayaa yidhi “ Rasuul Allow ma ilaahay ayaa ku amray inaad goobtaan degto, mise waa xeelad dagaal. Markaasuu rasuulku yidhi SCW………………… Lasoco Qabyta 2aad