Hawlaha Waxbarashada; Maxaa Sugan Maxaa Siloon?

0
733

Bilaashnimada waxbarashada aasaasiga (primary) ihi waa ay sugan tahay.   Illaa dugsiga sare bilaashnimadaasi  na,  ka sii fiican. Dugsiyada ay dawladdu maamushaa basas ma laha, waa arrin siloon. Ardaygu waxa uu  ku  lumaa guriga iyo dugsiga dhexdooda. Waxa sugan in basas gaar ah loo sameeyo oo  kharashka waalidku bixiyo ama dawlad iyo waalid ba laga hawlgalo. Waxa ka sii  fiican in ilmuhu ka helo dugsiga qado ay waalid iyo dawladi iska kaashadaan.

Awoodda uu Afsoomaaligu ku lee yahay hawlaha waxbarashada waa ay siloon tahay.  Waxbarashada dugsyada sare, qaybta saynisku Afhooyo ma barato. Waayo?  Waa arrin siloon. Qaybta fanku se waa ay barataa maaddo ahaan. Maxaa ay wax ugu baran weyday?  Waa arrin siloon. Waxa sugan in ay labada qaybood ba wax ku bartaan, maaddo ahaan na u bartaan sida ka jirta waxbarashada aasaasiga ah.

Jaamacadda Hargeysa ayaa tababarta barayaasha  waxbarashada aasaasiga ah sida aan maqlay.  Barayaal hawlahooda ka adag ma soo saartaa?. Waa in la hubiyaa. Jaamacadda Camuud ayaa tababarta barayaasha waxbarashada dugsiyada sare. Barayaal hawlahooda ka adag iyado na ma soo saartaa? Waa in la hubiyaa.

Waxa sugan oo ka sii fiican in la dhiso Kulliyad Waxbarasho,  cunto iyo hurdo ba na leh oo dhammaan Hawlaha Tayaynta Waxbarashada  u xilsaaran. Arrimaha aqooneed weeye. Waa na meesha hawlaha horumarku ka dhismaan. Waxa iyadu na sugan in Tayaynta Hogaaminta Waxbarashada heer kasta meel la isugu geeyo: hawlaha manhajka, kuwa intixaannada, kuwa Kormeeridda, iyo kuwa cilmibaadhista: aasaasidda Mac-hadka Sare ee Waxbarashada. Arrimaha agaasin weeye. Waa na meesha hawlaha maamulku ku tayoobaan.

Tira ba laba iyo labaatan (22), jaamacadood/ kuliyadood/ mac-had sare ayaa ka diiwaangaashan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ku jira gacan ganacsade ama gaar ah. Sida muuqata aqoonta ubadkeennu bartaa waa mid la tayo ah ama shaabahda alaabta ganacsi ee baabuur, dhar, wiciyad, cunto iwm ee laga soo iibsado bariga dhaw iyo ka fog ba. Waa meesha shilinka laga helo. Waalidka Soomaalilaand jeebkiisu waa u furan yahay waxbarashada ubadkiisa. Ilmuhu wax uun ha barto; wax kasta ha noqdee weeye dareenku.

Ardaygu waa Jaamici, wax uu qabsan karaa na waa yar yahay. Haddii ay dadka tacliinta sare maamulaa waxbarashadooda jaamacadeed afka hooyo ku qaadan lahaayeen, hawlaha waxbarasho sidan waa ay dhaami lahaayeen hubaal. Hadda se wax kasta waa aynu ku khasban nahay: awood fikradeed oo aynu ku hubinno nooca aqooneed ee aynu ugu baahan nahay degaankeenna ma aanaynu helin ama baran. 

Hawl kasta oo ay dadnimadu inoo keento, ka midha dhalinteedu,  waxa ay ku xidhan tahay aqoonteenna iyo waayo-aragnimadeenna.  Jidka ugu habboon ee aqoonta iyo waayo-aragnimada loo maraa, waa waxkubarashada Afka hooyo.

 Afsoomaaligu waa bad hadal ah oo  uu qof soomaali ihi ku nool yahay (Somali language Environment).  Aqoonteenna mid cilmi iyo mid fan ba waa in aynu ku cabnaa afkeenna hooyo haddii aynu rabno qudhqudhinteeda (fasiicnimo). Afka eebbaheeen ina siiyey, waxa uu u xilsaaran yahay quudinta jidhkeenna iyo maalidda fikirkeenna. Indhaha iyo dhegaha ayaa quudiya fikirkeeenna. Waa ay adag tahay in aad af kale wax ku cuntaa. Waa ay ka sii adag tahay in aad af kale ku fakertaa.

 Waa maxay sababtu? Marka uu ilmuhu ama qofku afkiisa hooyo waxkubarto, maaddo ahaan na u dhigto illaa inta uu nool yahay, waa kolka ay biyaha baddiisa luqadeed ugu macaan yihiin ee ay ugu hawlyar tahay qudhqudhintu. Marka afka hooyo kobco ba, barashada afafka kale ayaa hawlyaraata.; maxaa yeeley,  aqoonkasbiddu waa is barbardhigidda (matching) laba fikradood ama wax: mid cusub (wax aanad aqoonin) iyo mid duug ah (wax aad taqaanno). Fikradaha aynu ku kasbano afkeenna, waa duug; kuwa afshisheeye inoogu yimaadaa se waa cusub yihiin.

Haddii aynu illaa heer jaamacadeed waxkubaranno afkeenna hooyo, waxa kordhaya ereiyada ama fikradaha aynu naqaanno ama duugga ah ee luqadeenna soomaaliyeed dhashay. Middaasi na waxa ay tayaysiinaysaa awoodaha is barbardhigideed ee Afsoomaaliga iyo afafka shisheeye.   

Maxaan yeelnaa? Hawlyaraysigu ma fiicna. Dhammaan waxbarashada dugsiyada (hoose,dhexe, sare) Afsoomaali wax ha lagu barto, maaddo ahaan na ha loo barto. Maaddo ahaantu, awoodda Afsoomaaliga ayaa ay dhistaa oo kordhisaa; waxkubarashadu na fikirka ama fasiixnimada qofka soomaaliga ah ayaa ay xoojisaa.

Manhajkii waa diyaar; buugaggii na waa ay qoran yihiin. Hawlahaas xukunkii Siyaad Barre ayaa seeska u dhigay. Waxa loo baahan yahay oo keli ah, ku labayni na aanay jirin; waa tayaynta ama hagaajinta aqoonta horumarka dalkeenna iyo dadkeenna ku habboon.

Kulliyadda Waxbarashada waa in wax lagu bartaa, la na bartaa maaddo ahaan Afsoomaaliga. Waxa ka qalinjebinaya, kolkaas, Kulliyadda Waxbarashada bare aqoontiisa iyo fasiixnimadiisu ba heer sare yihin ama ay israacsan yihiin. La ma rabo bare aqoontiisa jaamacadeed jacbur tahay oo Afsoomaaliga iyo Afingiriisiga ama Afcarabi ba, aan mid na fasiix ku ahayn.

Barashada luqadaha shisheeye (Carabi iyo Ingiriisi ba) iyo isku tarjimiddoodu  waa in ay ku dhaw yihiin ama la mid yihiin afka hooyo; dugsi iyo Jaamacad ba na, lagu dhigaa ama bartaa. Maaddada tarjumiddu waa muhim. Waxa ay isku talaashaa afafka. Marka fikirka dadku dhismo ayaa horumarinta degaanku fududaataa. Middaas na waxa fure u ah waxkubarashada afka hooyo iyo barashadiisa cilmi ahaan.

 

Wa bilaahi tawfiiq.