Hargeysa(Geeska)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xukuumada ugu baaqay inay doorashooyinka ku qabato wakhtigii loo qoondeeyey.
Gudoomiye Cirro oo ka hadlayey munaasibad lagu furayey xafiis cusub oo xisbigiisu ka furtay xaafada 150-ka ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay inaanay deegaanadu ku qasbanayn inay xisbi gaar ah u codeeyaan.
Gudoomiye Cirro ayaa shaaca ka qaaday in xisbigiisu diyaar u yahay inay tartanka doorashada waxaanu yidhi “Waxa inagu soo socda doorashooyinkii, waxaanu xisbiga Waddani diyaar u yahay inay doorashooyinku qabsoomaan oo ay ku dhacaan wakhtigii loo jaray ee umadu isku raacday ee maxkamadu go,aamisay ee ahaa bisha March 28-keeda.”
Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa xukuumada ugu baaqay inay ka shaqayso masrixii lagu tartami lahaa waxaanu yidhi “Waxaanu xukuumadu ka codsanaynaa inay salaxdo garoonkii lagu turtami lahaa marka la gaadho wakhtiga doorashada ”
Sidoo kale Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inaanay cidina ku qasbanayn inay u codayso xisbi gaar ah waxaanu yidhi “ Waxaanu rumaysanahay in muwaadinku xor u yahay xisbiga uu tagayo, haddii uu dooranayo Kulmiye, haddii uu dooranayo Waddani iyo haddii uu dooranayo Ucid, laakiin waxa baryahan soo baxaysa in xisbiyada qaarkood leeyihiin deegaan hebel ayaa igu qasban iyo reer hebelbaa igu qasban, waxaanu leenahay cidina cid kale kuma qasbana.”ayuu yidhi gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.