Guddoomiye-Cirro Oo Ka Waramay Socdaalkii Uu Ku Soo Maray Awdal Iyo Selel

0
849

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay Shirka Turkiga ka dhacay, ee lagaga hadlaayo arimaha Somaliya, waxaanu sheegay in Shirkaasi wax alaale wax ka quuseeya Somaliland aanu jirin.

1

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo qaar ka mid ah warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale waxa uu beeniyey inuu hantida ama miisaaniyadda Golaha Wakiilada uu u  isticmaalay dhaqaalihii uu ku taakulaayey dadkii abaaruhu haystaan, waxa uu jawaab ka bixiyey eedaha uga imanaya Xisbiga UCID ee ah in Waddani yo Kulmiye ay olole bilaabeen, "Waxaanu nabad kaga soo noqonay safar shaqo oo aan ku tagay Gobolka Awdal aniga iyo masuuliyiin fara badan oo Xisbiga Waddani ka tirsan, ujeedada safarka waxay ahayd in aanu ka qayb galno bilawga Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobolka Awdal oo ah Gobolkii labaad ee Jamhuuriyada Somaliland ee ay ka bilaamaysay Diiwaangelintu, waanu ka qayb galnay bilawgaas Magaalada Boorama dabeedna waxa aanu uga gudubnay Degmooyinka kale ee Gobolku ka kooban yahay, ee ay ka mid yihiin Saylac, Lughaya iyo Baki oo ah Degmooyin doorasho,Degmooyin kale oo fara badan oo ku guda jiraana wey jiraan, oo aanu marnay, dhammaan deeganadaas Shacabku si wanaagsan ayey isku diiwaangelinayeen oo nabadgalyo ah, Shacabkaas aanu dhexmaraynaynay si fiican ayey noo soo dhaweeyeen guud ahaan, waanu u mahadnaqaynaa.

Cabashooyinka Shacabku wey badnayeen, in abaaro jiraan oo wakhti adag lagu jiro, waxa ka mid ahaa in goobuhu ka fog fog yihiin ama ay ku yar yihiin, waxa ka mid ahaa in xawaaraha Computeradu gaabinaayey, wixii cabasho ah ee aanu maqalno mar walba waxa aanu u gudbinaynay Guddida Doorashooyinka Qaranka, waajibkii Diiwaangelintu Shacabkii wey ka soo baxeen,oo si wanaagsan ayey isku diiwaangelinayeen, Komishankuna si wanaagsan ayuu u shaqaaynayey, wixii cilad ah ee ka baxsan awoodooda ee ay ka mid tahay Internetku meelaha qaarkood wey ka jirtay oo Internetku muu shaqaynayn, inkasta oo Shirkadaha war isgaadhsiintu ay aad u dadaalaysay,Shacabkaas waxaanu guud ahaan ku soo aragnay Shacab waajibkiisina gudanaya,  abaari haysay, wakhti adag ku jiray, haddana intaas oo idil oo jiray  diyaar u ahaa  inay Diiwaangelinta sii wadaan oo sii dhamaystiraan, Shacabkaasi guud ahaan waxay ku hadaaqayeen inay diyaar u yihiin in isbedel ka dhaco Wadanka".

 Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu arko Shirkii ka dhacay dalka Turkiga ayaa  ku jawaabay "Shirkaasi inta aynu ognahay waa shir lagaga hadlaayo arimaha Somaliya, gaar ahaan Doorashada ka dhici doonta 2016-ka, aniga aragtiyada waxa ay ila tahay wax badan kama duwana shirarkii hore ee Somaliya loogu ariminayey, ee mar ka dhacaayey Jabuuti, ee mar ka dhacaayey Nairobi, ama  meelo kale ka dhacaayey, inta aan fahansanahay waxa uu ka kooban yahay sidii maaamulka Somaliya isbedel ugu iman lahaa, waxa aanu ognahay in Doorasho xor iyo xalaal ahi (one man one vote ahi), in aanay suurtagal ka ahayn xiiligan Somaliya, markaas wixii kale ee xal ah ee isbedelku ku imanayo ayaa lagaga arinsanayaa, ima muuqato in samaayn weyn uu Somaliland ku leeyahay Shirkaasi"

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani mar wax laga weydiiyey eedaha uga imanaya Xisbiga UCID ee ah in Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ay loolan uga faa'iidaysanayaan Diiwaangelintii ayaa  ku jawaabay "Waxay ila tahay in anaga oo aan tagin Awdal cod weydiisigu waanu weydiisanaa, oo Shirarka, taageerada iyo xafladuhu waxay ka dhacaan Hargeysa, waxayna ila tahay in xilka Xisbiyada oo UCID in dadka ay weydiistaan cod, in taageero weydiistaan, kuma xidhna inay u safraan Burco ama Awdal, Hargeysana wey ka sameyn karaan iyaga oo jooga oo aan safrin, marka guud ahaan anagu ugumaanu tala galin olole, waxa aanu ugu talagalnay in aanu xogogaal u noqono Diiwaangelintu sida ay u socoto, noomay muuqan in aanu Boorama ka soo noqone laakiin waxa noo muuqday in aanu soo aragno dhammaan deegaanada iyo sida  ay u shaqeeynayaan aanu soo aragno oo xaalada dadka soo aragno, oo aanu soo aragno taageerada ay dadku u hayaan Xisbiga laftiisa laakiin olole aanu u soconay may jirin"

Cabdiraxmaan Cirro mar wax laga weydiiyey qaabka xulista xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa ku jawaabay "Anagu Gobolo ayaanu ku xulanay Golaha dhexe  markii Xisbiga la aasaasayey, Xeerkiisana sidaas ayaa ku qoron in Gobolo lagu soo xulo".

Mar wax la weydiiyey in Xisbigiisu yahay Dimuqraadi iyo in kale ayaa ku jawaabay "Waxay ku xidhan tahay kolba sharaxa uu qofku ka haysto Dimuraadiyada laakiin waxa aan is leeyahay Xisbigu waxa uu ku saleeysan yahay xeerkiisa, xeer No:14, oo Axsaabta loo sameeyey, waxaan is leeyahay hanaankaasi waa hanaan dimuqraadiya, sida xeerarku tilmaamayaan, waa Xisbi la wada leeyahay, oo dad qudhi gaar u lahayn ama Dumar lahayn ama Rag lahayn, marka waxay ila tahay hanaankii shuruucdii loo dhisay ayuu ku socdaa,marka waxa aan is leeyahay hanaan Dimuqraadiya weeye".

Mar wax laga weydiiyey in caawintii iyo gurmadkii uu u sameeyey dadka abaaruhu haystaan inuu isticmaalay miisaaniyadda Golaha Wakiilada ayaa ku jawaabay"Waxay ila tahay miisaaniyadda Xukuumaddu wax cad ayey ahayd,Saxaafadduna wey joogtay, nuqulna waad heli kartaan miisaaniyadda Qaranka, ta Golaha Wakiilada meel ay kaga jirto Raashin loo qaybiyo dadka iyo Biyo la siiyo midna ma jiro, taageerayaasha Xisbiga ayaa hawshaas bixiyey, kaalmooyina kuma jiraan miisaaniyadda Golaha Wakiilada"

Mar uu ka hadlaayey wefti uu shalay xafiiskiisa golaha wakiilada kula kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen ayaa yidhi "Weftigii aan saaka (shalay), la kulmay waxay ahaayeen Wefti ay soo direen deeq bixiyayaashu, gaar ahaan Ingiriiska oo qayb weyn ka qaata misaaniyadda Doorashooyinka iyo Diiwaangelintaba, weftigaas waxa loo soo diray qiimeyn, inay qiimeeyaan Doorashada halka aynu ka taaganahay iyo diyaar-garoowgeeda, inay qiimeeyaan Diiwaangelintu sida ay u socoto, inay qiimeeyaan wixii mushaakila ee ay arkeen ee hortaagan Doorashada, si hordhaca ah waxay soo bandhigi doonaan 29-ka bishan warbixintooda"