Guddoomiyaha Maamul-wanaaga Oo Ka Hadlay Baadhitaano Ay Wasaarado Ka Sameeyeen

0
808

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Axmed Jaamac Maxamuud, ayaa ka hadlay wareegtadii Madaxweynaha, ee ku saabsanayd in baadhitaan lagu sameeyo dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda, waxaanu sheegay inay ilaa hadda lix Wasaaraddood baadhitaan ku sameeyeen, inta u hadhayna ay dhamayn doonaan, natiijada baadhitaankana ay soo bandhigi doonaan Doorashada ka hor.

Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Axmed Jaamac Maxamuud,oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay eeddaha Xukuumadda ee ah inay Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu musuqa badnayd, amarka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ay ka soo saartay Shirarka aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deeganka iyo wareejintii haamaha shidaalka ee Golaha Barlamaanku diiday iyo go’aanka ay Xukuumaddu ka qaadatay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Xilligii uu Madaxweynuhu iskugu kaaya yeedhay Saddexdayada Hay’adood,marka lagu daro bishii Ramadaan waxa laga jooga laba bilood iyo dhawr cisho, bishii ramadaan hakad ayaa na yara galay, laakiin waxaanu maraynaa lix Wasaaradood, ramadaanta ka hor waxaanu galnay Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Dib u dejinta, waxa kale oo noogu xigay afar Wasaaradood oo kale oo aanu maalin wada galnay, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Cadaalada, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Deegaanka iyo Wasaaradda Dalxiiska”.

Mar aanu wax ka weydiinay waxyaabaha uu baadhitaankoodu salka ku hayo ayaa ku jawaabay “Baadhitaankaygu wuxuu salka ku hayaa dhawr qodob oo kala ah in Wasaaraddu haysato laynkii dawladnimo oo aan laga leexin ama aanay ka leexsamin, oo maamul wanaagii jiro iyo in hantida qaranka ee Wasaaraddaasi leedahay in sidii saxda ahaa loo isticmaalo, oo sida Warbaahinta lagu fidiyey waxa jira Wasaarado Taarikadii  ay hayeen ku dhajiyey Gaadiidkii ay hayeen, marka ta aanu dabagalada ku hayno taas ayaa ka mid ah, oo aanu hubino hantida qaranka, sida Miisaaniyada Wasaaradda, oo waxaynu ognahay in Wasaarad kasta ay leedahay Miisaaniyad, markaas waxaanu hubinayna in Wasaarad waliba sida saxda ah u isticmaasho Miisaaniyada, oo aanu jirin wax musuqi iyo in la leexsado”

Mar aanu wax ka weydiinay  Wasaaraddaha ay ilaa hadda baadheen iyo inuu jiro Musuq iyo Hanti lunsi ayaa ku jawaabay “Haddii ALLE ka dhigo ka hor dhici maayo, ee markay naga dhammaadaan ee aanu baadhno dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawliga oo ka soo horeyn doonta wakhtiga Doorashada, ayaanu soo bandhigi doona siday wax u jiraan”.

Mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay in iyadoo Hay’addii Hanti Dhawrku jiro, oo hawlaha baadhitaanka shaqo ku leh in Haya’ddoodu baadhitaano ku sameeyso Wasaaraddaha ayaa ku jawaabay “Hay’addu xeer bay leedahay, xeerka ayaanu ku shaqeeynaa, oo waajibaadkayga ma dhaafi karno, odhotkuna xilkiisa iyo waajibkiisa ayuu leeyahay,  laba Hay’adood oo mataano ah ayaanu nahay, oo labadayduna waxaanu ilaalina hantida qaranka, anagana waxa noo sii dheer maamul wanaaga, haddii maamul wanaaga meel ka xumaado, musuquna uu ku xigaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay masuuliyadda Xukuumadda ee sicir bararka iyo maamul xumada lagu sheego Xukuumadda ee ah inay sicir bararka sabab u yihiin Wasiiradda tirada badan iyo la taliyayaasha tirada badan ayaa ku jawaabay “Sicir bararku Caalamka oo dhan buu ka jira, balse madaama aan wali la ina ictiraafin, dhaqaalaheenu uu iska kooban yahay,Dawladduna dadaal badan bay uga jirta, iyadoo kaashanaysa meelaha ay khuseeyso, laakiin Xukuumaddu masuul kama ah Sicir bararka”.

Mar aanu wax ka weydiinay sababta ay wax uga qaban waayeen Haamihii Shidaalka oo Xukuumaddu cid gaar ah ku wareejisay madaama Golihii Wakiiladu cod ku diiday,wuxuu ku jaawabay “Waxaynu leenahay Barlamaan inooga masuul ah inay xeerarka dalka ilaaliyaan, ama inoo abuuran ama Xukuumadda markaas jirta wixii ay keento inay ka doodaan, oo meel mariyaan ama diidaan, balse su’aashaasi qoladaas Barlamaanka ayey jawaabteedu fadhidaa, laakiin wax lagu asteeyo musuq-maasuq sharci anigu ma qabo”

Mar aanu wax ka weydiinay waxay wax uga qaban waayeen amarka Xukuumadda ee Dastuurka ka hor imanaya ee lagu joojiyey Shirarka aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deeganka ayaa ku jawaabay “Waa run oo wey jirtay Wareegto lagu joojiyey Shirarka aan caadiga ahayn, madaama lagu jiro xilli Doorasho oo la diidan yahay wixii khal-khal keeni kara in la joojiyo waa muhiim, marka Sharciga iyo Dastuurka loo eego waa qodob jira, lakiin jabin maaha, ee hadba xaalada dalku halka uu marayo in lagu asteeyo ayaa muhiim ah”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko eedda ku saabsan in Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu musuq iyo hanti boobka badnayd ee dalka soo marta ayaa ku jawaabay “Cid waliba wax wey eeddayn kartaa, laakiin eedda waxa ka horeysa caddeynteedii, inaad miiska soo saarto oo aad la timaado, haddii la hayo wax cad oo musuqa, anaga ayaa wax ka qabanayna oo naloo igmaday ee ha naloo keeno, oo ha na siiyeen caddaymihii saxda ahaa”.