Guddiga Joogtada Guutida Oo Kormeer Ku Tagey Goobaha Mashruuca Biyo Ballaadhinta

0
530

Hargeysa (Geeska)- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer ku tegay goobaha laga wado mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee degmada Daara-salaam, kuwaasoo u kuurgalay habsami-u-socodka hawsha biyaha lagu gaadhsiinayo degmooyinka kala duwan ee caasimadda.

1

Weftigan oo uu hoggaaminayey Gudoomiye-ku-xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Xirsi Ciise Jaamac iyo Xildhibaannada xubnaha ka ah guddidaas, ayaa shalay kormeerkooda u baxay uu ku wehelinayey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis iyo masuuliyiin kale, waxayna socod indho-indhayn ah ku mareen dhammaanba goobaha uu ka socdo mashruucan biyo ballaadhinta  Hargeysa, iyagoo markii ay kormeerkooda dhammaysteen si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

Ugu horreyn, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland kormeerkooda, isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay ka Guddi ahaan inay la soo eego habsami-u-socodka hawlaha mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa.

"Sharaf weyn ayey noo tahay inay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu noogu yimaaddaan kormeer ay ugu kuurgalayaan habsami-u-socdka mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda, iyagoo maalin dhaweyd [toddobaadkii hore] Goluhu noogu yeedhay xog-warran ku saabsan mashruucan, ayaannu annaguna ka Wakaaladda Biyo ahaan aannu ku casuunay inay indhohooda ku arkaan, waayo way kala duwan tahay marka lagaaga sheekeeyo iyo marka aad indhahaaga ku soo aragto,” ayuu yidhi Md. Ibraahin Siyaad Yoonis, waxannu intaa ku daray, “Markaa Ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu nagu guuleeyo mashruucan oo ay naga maalgalinayaan Midowga Yurub iyo SDF, halka ay tayada shaqadda illaalinayso Shirkad Jarmal ah.”

Gudoomiye-ku-xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md. Xirsi Ciise Jaamac oo halkaasi ka hadalay, ayaa sheegay in ka Gole ahaan ay indhohooda ku soo arkeen xaqiiqooyin badan, waxannu si weyn u bogaadiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa uu ku tilmaamay inuu yahay masuul guul ku hoggaaminaya mashruucan.

"Runtiina bulshada caasimaddu ku nooli waxay leedahay maxaa biyihii ku dhacay? Waxaan leeyahay ragga waxa haysta haddii aad arki lahaydeen candhuuftiina ayaad dib-u-liqi lahaydeen, waayo maanta waxannu soo kormeernay mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda, oo aannu soo aragnay goobkasta oo ay ugu sii daran goobaha qaarkood oo ragga jabinayo hoos afar mitir iyo badh dhagax ah, ayaa la garaacayaa dhagax waqooyigan waad taqaanaan oo waa madow adag oo aan laga baxeen sannado, balse Illaahay waa innagu guuleeyey,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

Xildhibaannada Golaha Guurtida ee uu hogaaminayey Guddoomiye-ku-xigeen Guddiga Joogtada ah, ayaa si weyn ula-dhacay habsami-u-socodka mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda, iyaga oo ku dhiirrigaliyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo Hay’adda fulinaya inay inay dedaalka halkaasi ka sii wadaan.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, kulan xogwarraysi ah ay kaga dhegaysteen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis inuu ka warbixiyo xaaladda biyaha iyo mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda.

Sidoo kale, waxa iyaguna bilihii u dambeeyey kormeero ugu kala tagey Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo qaar ka mid ah Qurbo-joogta Somaliland, si ay ula socdaan xaaladda biyaha iyo habsami-u-socodka mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda.