Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Oo Ka Hadlay Haamaha Shidaalka iyo Xeerarka Maalgashiga

0
558

Picture1Hargeysa(Geeska) -Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahin Iidle Saleebaan  ayaa ka hadlay sida uu u arko khilaafka ka taagan wareejinta haamaha keydka shiidaalka ee magaalada Berbera.

 “Way u banaan tahay xukuumada tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan iyo talaabo kasta oo ay ku maamulayso haamaha iyo wixii kale ee la mid ah maadaama oo aan jirin xeer iyo sharci ka mamnuucaya, balse ay iyadu masuul ka tahay, hore ayaanu madaxweynuhu u soo saaray digreeto uu haamaha shiidaalka ku hoos geeyey wasaarada ganacsiga isla markaana meesha kaga saaray maamulkii iyo gacan ku hayntii shirkadii Total, ilaa maantana wasaarada ganacsiga ayaa gacanta ku haysa  sidaas darteed way u banaan tahay.”

Garyaqaanka guud ee qaranka ayaa sharaxaad ka bixiyey heshiisyada iyo dabeecadaha kala duwan ee ay leyihiin xeerarka uu dastuurkuu dhigaayo in aan gole lagu wargelin Karin iyo kuwo ay tahay in mar kasta la hor keeno golaha wakiilada ama sharci dejinta, waxaanu yidhi “Haddii heshiis la galo in la gaynayo golaha iyo inaan la gaynin waxay ku xidhan tahay dabeecada heshiiska waxaana jira heshiisyo uu dastuurku amray in la hor geeyo  golaha wakiilada oo ay ansixin ku leeyihiin iyo heshiisyo aanay ku lahayn ansixin. Kuwa ay ansixinta ku leeyihiin waa kuwa dastuurku tilmaamay markaa haddii ay xukuumadu gasho heshiisyada uu dastuurku tilmaamayo sharciga waa la raacayaa waana  la hor gaynayaa golaha wakiilada, haddii aanu dabeecadiisa lahayn kuwa uu dastuurku tilmaamayo ee golaha wakiilada la hor gaynayana waxay noqonaysaa mid yeesha fulin go,aanka ka soo baxa golaha wakiilada ee madaxweynuhu dib ugu celiyey  ama uu ku war geliyey golaha inaanu ku dhaqan lahayn mana dabraayo hawlaha xukuumada.” Wuxuu sidaasi ku sheegay garyqaanu waraysi uu siiyey Horn Cable Tv