Hargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa khudbadiisii gabo gabada ololaha doorashada goleyaasha deegaanka waxa uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan, isaga oo faahfaahin shacabka ka siiyey xaalada uu dalku ku sugan yahay iyo sida shacabka Somaliland looga baahan yahay isku duubnida.
Faysal Cali, oo shalay taageerayaashiisa oo aad u badnaa kala hadlay fagaaraha beerta xorriyadda, waxa uu xukuumada ku dhaliilay inay iskaga tagtay shaqadii ay bulshada u haysay, isla markaasna ku hawlantahay doorashada ayna lumisay kala sarayntii maamul, sida oo kale waxa uu Faysal sheegay in Riyaale ka tagay dal iyo dad is haysta balse haatan uu maamulkii dawladnimo uu jilcay, madaxweyne Siilaanyona uu socodsiin kari la’yahay digreetooyinkiisii.
Faysal Cali Waraabe waxa uu hadalkiisa ku bilaabay isaga oo khudbadiisa gabo gabada u ahayd ololaha doorashada dhinacyo kala duwan kaga hadlaaya sidan “Dadka reer Hargeysa ee muujiyey quwadii iyo taageeradii Xisbiga UCID ayaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa, waxaan jecelahay inaan idiin sheego doorashadaa aynu galayno waxaad mooda inay tahay doorasho aan ku koobnayn dadka reer Somaliland oo magaca Somaliland waxa la yidhaahdaa waa dhulkii Somaliyeed doorashadana waxa ay tahay doorashadii Soomaaliyeed, maanta doorashadan waxa aan ka qayb galayn oo kaliya dadka cad cad, dadkii Somaliya ka soo qaxay way ka qayb galayaan, dadkii reer Itoobiya ee Af-Somaliga bartay way ka qayb galayaan, reer Jabuuti way ka qayb galayaan oo way is diyaarinayaan, waxa weeye doorasho loogu talo galay inay noqoto yaa xoog weyn yaa lacag badan”.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya ku talo galka dawladda ee doorashada waxa uu yidhi “Dawladdu waxa ay si kas ah ugu talo gashay inta ay iska dhigtay xilkii ay umadda u haysay, wasaaraddihii ma shaqaynayaan, Baarlamaankii ma shaqaynayaan, guurtidii ma shaqaynayaan, waxa aanay u tafo xaydatay inay khasab ku hesho codka ururo ay iyaduna wadatana ku soo saarto, doorashadaa maanta wixii ka dhaca xumaan iyo samaan waxa ay dusha ka saaran tahay maamulka Siilaanyo, anagu in badan ayaanu anagu Somaliland u adkaynay dhidibada oo aanu ka ilaalinay inay dhibaato ku dhacdo oo aanu isku qabsanay dad badan oo doonaya inay Somaliland mijo xaabiyaan, waxaananu ka xunay in maanta maamulka Axmed Siilaanyo wixii uu ku caayi jiray Rayaale wax ka xun in maamulkiisu ku dhaqaaqo, waxaanu ka xunahay inay dawlad aanay kala adkayn oo ninkii doonaa hadlayo oo ka doonaa jawaabayo inay maanta Somaliland ka socoto, waxaanu ka xunahay oo shacabka Somaliland uga tacsiyadaynaa in guddidii anshaxa ee la sameeyey marka ay tidhaahdo xaq uma lihidiin inaad ololaysaan wasaaraddaha iyo maayarada goboladu in gambadh lagu soo fadhiisto oo la caayo oo la yidhaahdo yaa wax naga qaadi kara waanu ololaynaaye doorasho halkan kama muuqato ee waxa ka muuqda qas aad moodo in Somaliland lagu baabiinayo oo hadaan Somaliland loo jeedin in khal khal la galiyo madaxweynuhu talaabuu qaadi lahaa oo digreetadiisu ilaalin lahaa”.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo la hadlaya shacabka waxa uu yidhi “Doorashadan soo socota maaha waxa soo baxaya musharax oo kaliya ee waxa soo baxaya sadexda xisbi ee talada qabanaya tobanka sano ee soo socda, waxaad ogaataan haddii ay idiin soo baxaan asxaab aan Somaliland aaminsanayn qaar la mid ah kuwii shalay Xamar tagay qaar ay hogaaminayaan, waxaad ogaataan in tacab khasaare idinku dhacay, halgankiiniina la khasaariyey Somaliland magaceedii la baabiiyey, waxa weeyaan oo la is weydiinayaa keebaa soo bixi doona oo Somaliland ka shaqayn doona mustaqbalkeeda noqona doonaa Xisbiga ka qayb gala wada hadalada oo ay amba waxa ay ku sheekaystaan reer Somaliya aloore ma qaadanaysaa Raysal wasaare-nimada aloore caasimada ma qaadanaysaan ayaa soo bixi doona ama UCID oo u taagan wax lagu gor gortami karaa ma jiraan Somaliland waxaan ahayn ma marayo shacbigayaga xabad baa loo dhigtay oo waa loo dhintay ayaa soo saari doona maanta idinkaa gacantiina isku dili doonaa ama isku noolayn doona walaalayaal u codeeya xisbiyada jiritaanka Somaliland u taagan, waxa loo baahan yahay xisbi dadka walaaleeya oo u qaybiya waxa la wada leeyahay”
Geesta kale, waxa uu xisbiga UCID shalay si weyn isugu soo baxay degmooyinka iyo gobalada kala duwan ee dalka oo ay khudbado guubaabo ah uga jeediyeen madaxda xisbiga UCID qaar ka mid ahi.