Dhallinyarada Oo Soo Dhaweeyay Hadal Shalay Ka Soo Yeedhay Wasaarada Arrimaha Shaqada

0
580

 

Hargeysa(Geeska)-Dhallinyarada Somaliland ee wax bartay balse ku sugan xaalad shaqo la’aaneed ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Baashe Yuusuf Axmed, kaas oo uu ku sheegay inay dawladu dhaqan gelinayso go’aan dalka lagaga saarayo dadka ajaanibka ah ee dalka sharci darada kaga shaqeeya.

Agaasime Baashe, oo shalay u waramay laanta Afka Somaliga ee BBC-da, wuxuu sheegay inaan la ogolayn in shaqo uu qaban karo qof muwaadin ahi uu qabto qof shisheeye ahi. “Amarkani wuxuu quseeya shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ka shaqeeya ama doonaya inay ka shaqeeyaan, amarkani wuxuu mamnuucayaa in qof ajaanib ahi uu dalka ka shaqeeyo iyadoo la heli karo qof muwaadin ahi inuu qaban karo shaqada uu qofkaas ajaanibka ahi dalka u imanayo, waxaanu quseeyaa goob kasta oo shaqo sida hay’adaha caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay iyo shirkadaha dalka.” Ayuu yidhi Agaasime Baashe, waxaanu nidar ku maray inay dawladda Somaliland go’aankan fulin doonto, isagoo sheegay in qofka ajaanibka ah ee dalka shaqo u imanayaa uu marka hore soo mari doono wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo iyaduna hubin doonta in shaqada uu qofkaas ajaanibka ahi qabanayaa tahay mid uu uu muwaadinku qaban karo, waxaanu intaas raaciyay in fulinta go’aankani uu haddaba bilaabmay.

Dhallinyaro badan oo reer Hargeysa ah ayaa markii ay shalay warkan maqleen, waxay la soo xidhiidheen Wargeyska Geeska Afrika, iyagoo soo dhaweeyay go’aankaas, “Go’aankani waa mid aanu soo dhawaynayno oo ah mid muddo dheer la sugayay.” Sidaas waxa yidhi wiil dhallinyaro ah oo degen Hargeysa. Dhallinyaro kale oo iyaguna nala soo xidhiidhay ayaa sheegay in dadka ajaanibka ah ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ay caqbad ku yihiin inay muwaadiniinta Somaliland shaqo helaan, iyagoo leh aqoonta iyo kartida ay dadka ajaanibka ahi leeyihiin. Waxaanay inta badan hay’adaha dalka ku sugani shaqaalahooda sar sare ka soo waaridaan dalal shisheeye ah.

Si kastaba ha ahaate go’aankan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa haddii sidiisa loo fuliyo, wuxuu fursado siin doonaa dhallinyaro badan oo jaamacado kala duwan ka soo baxay balse aan wax shaqo ah haynin, waxaana wasaaradda looga fadhiyaa inay ka dhabayso balan qaadkooda kiciyay hamiga dhallinyarada dalka ee wax bartay.