Warbixintu waxa ay soo xigatay hadalka buugga uu ku qoray Guilherme Canever, oo qoray “Somaliland waxa ay ku noolayd dadaalkeeda gaarka ah, waxa aanay halgan ugu jirtay jiritaankeeda iyada oo aanay jirin xulafo ay ku tiirsan tahay. celcelis ahaan heerka shaqa la’aantu aad ayaa uu u sarreeyaa, sida oo kale waxaa sarreeya heerka wax qoris/akhris la’aanta” Laakiin haddana, Canever waxa uu aad uga helay samirka dadka reer Somaliland, isaga oo arrintaas ka warramayana waxa uu yidhi, “Waxa ay iga sheekeeyeen halgankooda; qaar badan o oka mid ahi waxa ay ku nool yihiin lacago biil ahaan ay dalka dibaddiisa uga soo xawilaan eheladoodu.
Maadaa oo aaan dawlad loo aqoonsanayn, waa ay adagtahay in ay heshiisyo laba geesood ah iyo xidhiidho la yeelato dalalka kale. Waxaa adag in wax soo saarka dalka dibadda loo dhoofiyo, sidaas awgeed muwaadiniinta qaar ayaa u tahriibta dalalka dibadda, iyada oo ujeedadoodu ay tahay dhaqaale raadis” ayaa uu qoray Canever, oo ugu dambaynta aynu buuggiisa ka soo qaadanayno ereyo uu ku sheegayo rajo wanaagga uu u rajaynayo dadka Somaliland, “Waxa ay ku noolyihiin xaalad aad u adag. Laakiin waxa aan dareemayaa in xaaladdu ay ka soo raynayso”
Inkasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan haddana horumar ayaa ay gaadhay
Sannadihii ka dambeeyey tegitaankii Somaliland, Canever waxa uu bilaabay in uu raadiyo meelo kale oo la xaalad ah Somaliland oo uu booqdo. Doordoorashadii waxa uu ku soo ururiyey toban gobal oo haysta dawlado madax bannaan leh, laakiin adduunka aan aqoonsi buuxa ka haysan iyo lix gobaloo iskood isu xukuma, horena u madax bannaanaan jiray ama imika doonaya in ay madax bannaanaadaan. Waxaa ka mid ah Kosovo oo ku taalla gobalka Balkaaniska qaybtiisa gashan xuduudka qaaradda Yurub.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Somaliland dhibaatada haysataa ay tahay in aanay lahayn dalal xulafo la’ ah, laakiin ay Kosovo arrintaas kaga duwanayd oo ay ka faa’iidaysatay taageereyaal badan oo ay dawladaha adduunka ku lahayd.
Inkasta oo ay dawladda Seerbiya oo Ruushkuna taageerayey si aad ah uga soo horjeedsatay, haddana tan iyo markii ay Kosovo sannadkii 2008 si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka madaxbannaanaanayso dalka Seerbiya, waxaa aqoonsaday in ka badan 100 dawladood oo adduunka ah. Waxa kale oo aqoonsaday guddida caalamiga ah ee ciyaaraha olambikada, laakiin illaa hadda waxaa ku adkaaday in ay xubinnimo ka hesho Qaramada Midoobey.
Kosova waxyaabaha ay dalal badan oo aan la aqoonsan kaga duwantahay waxaa ka mid ah dalxiiseyaal aad u tiro badan oo xiiseeya in ay booqdaan. Dalalka ugu badan ee ay dalxiiseyaasha taga Kosovo ka yimaaddaan waa Albaaniya, Turkiga iyo Jarmalka. Canever waxa uu buuggiisa ku yidhi, “Kosovo waxa ay taageero weyn ka heshaa dalalka hodanka ah. dalxiiseyaal badan ayaana yimaadda”
Sannadkii 2018 kii tirada dalxiiseyaasha caalamiga ah ee booqday Kosovo boqolkiiba 19 ayaa ay ka sii badnayd dadkii booqday sannadkii kaas ka sii horreeyey. Laakiin Canever waxa uu buuggiisa ku sheegayaa in ay jiraan dhibaatooyin hareer socda horumarkaas, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu qoray, “Laakiin waxaa jira dhibaatooyin yaryar oo badan, kuwaas oo ay tahay in xal laga gaadho ka hor inta aanay Kosovo noqon dawlad si buuxda u madaxbannaan. La soco…