Danjire David Shinn Iyo Falanqayntiisa Doorka Somaliland Ee Shirkii London

1
829

David-ShinnWashington, (Geeska)- Safiirkii Maraykanka hore ugu fadhiyi jiray dalka Itoobiya, Professor David Shinn ayaa cadeeyey in gargaar caalami badan inay Somaliland hesho uu keenay ka qeybgalkeedii shirkii London.

Shinn ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland danteedu ku jirto ka qeybgalka shirarka lagaga hadlayo arrimaha budhcad badeedka Soomaalida, furitaanka xafiiska horumarinta Somaliland ee Ingiriiskuna dhiirigelin doonto helitaanka maalgashi badan.

Safiirkaa hore oo su’aalo kala duwan wargeyska Geeska Afrika ka weydiiyey go’aamadii ka soo baxay shirkii London iyo faa’iido waxii Somaliland shirkaa ka heshay ayaa su’aalihii aanu weydiinay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan:

Hadaan aragtay warmurtiyeedkii ugu danbeeyey ee shirka aka soo baxay, sidaad u aragtaa inuu wax ka tari doono mashaqadii ummada Soomaaliyeed haysatay labaatankii sannadood ee u danbeeyey, mise waxuu ku danbayn doonaa sidii shirrarkii ka horeeyey? Maxayse Somaliland shirkaa ka faa’iiday?

Waxaan rumaysanahay in Madaxweyne Siilanyo asiibay ka qeybgalka shirkaa. Waxay u sahashay fursad uu ku cadeeyey mowqifka Somaliland ee ku waajahan horumarka gobolka. Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaa London waa mid caam ah, laakiin, waxuu soo dhoweeyey guulaha ay gaadheen qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyagoo isla qaatay inay kordhiyaan gargaarka maamulada xasiloonida iyo sharciyadda dhistay. Taasi waxay si cad u sheegaysay meelaha sida Somaliland ah, una sahli doonta inay ka helaan beesha caalamka gargaar badan.

Shirku waxuu cadeeyey in beesha caalamku taageerto wada hadal kastoo Somaliland iyo Xukuumada ku-meel-gaadhka ama kuwa bedela ka yeeshaan sida xidhiidhka mustaqbalkoodu noqon doono, markaad eegto hadalkaa , sidaad u aragtaa in wada hadalkaasi u dhici doono, hadii Koonfurtu diidaan madaxbanaanida Somaliland, side riyada reer Somaliland noqon doontaa?

Meesha keliya ee Somaliland lagu soo qaaday warmurtiyeedkii waxuu u dhignaa, “Shirku waxuu aqoonsan yahay baahida loo qabo in beesha caalamku taageerto wada hadal kastoo Somaliland iyo TFG ama waxii bedela ka yeeshaan sida xidhiidhkooda mustaqbalku noqon doono. Inkastoo hadalkaasi taageero ku kordhinayn doonista madaxbanaanida Somaliland, balse waxay ku  khasbaysaa beesha caalamka inay taageerto wadahadalad kastoo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland.  

Madaxweyne Siilanyo waxuu ka furay Ingiriiska shirkada horumarinta Somaliland oo la sheegay inay wax ka tari doono sidii maalgashadeyaasha caalamku u iman lahaayeen Somaliland, sidaad u aragtaa in xafiiskaasi u xalin doono wax hore xukuumadu u wayday oo ah maalgashedayaal shisheeye?

J: Ilaa inta Somaliland awoodo ilaasashada xasiloonideeda, waxa badan doona inta maalgashedayaal shisheeye u iman doonaan maalgashiga dalka. Waxyeelo ku timaada nabadgelyada way leexin doona maalgashiga.  Ilaa intaan Somaliland beesha caalamku aqoonsan,  caqbado sharci way jiri doonaan. Furitaanka shirkada horumarinta Somaliland way dhiirigelin doontaa helitaanka maalgashi cusub, laakiin, hadii xasiloonidu sii jirto oo la tilmaamo maalgashiyo faa’iido leh fursadu way sii kordhi doonaan.

Sidaad u aragtaa in Somaliland ka qeybgasho shirarka soo socda ee lagaga tashanayo arrimaha soomaalida, sida ka Turkiga ee budhcad badeedka?

Fikirkayga, waa danta Somaliland inay sii wado ka qeybgalka shirarka soo socda ee la xidhiidha Soomaalida iyo budhcad badeedka. Somaliland waxay u sahli  doonaan shirarkaasi inay ku cadeyso inaan budhcad badeedku ka iman Somaliland, balse, qeybaha kale ee dalkaa ka yimaadeen.

Comments are closed.