Dallada Al Huda Oo Abaal Marino Ku Maamustay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtaxaanada

0
622

Picture2Hargeysa(Geeska) Dalada Al Huda Ayaa Munaasibad baladhan u qabatay Ardayda dhigata Dugsiyada ay maamusho, gaar ahaan Ardaydii kaalmaha hore ka  galay Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare iyo Dugsiyada dhexe ee Sannadkan.

Munaasibadii Abaalmarinta kala duwan lagu maamusay Ardaydan oo Shalay ka dhacday Amasador Hotel oo si weyn loo soo agaasimay,  ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka, Ardayda, Waalidka Dugsiyada ay maamusho Dalada Al-Huda,waxa kale oo ka soo qaayb galay Wasiiro, Salaadiin, Xildhibaano, iyo marti sharaf aad ui tiro badan ugu horayin waxa munasibadaasi hadalo ka soo jeediyay Cabdikariim Axmed oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Dugsiyada Al-hudawaxan Yidhi “Munasibadan ama xalfadan aan maanta (Shalay) joognaa waxa ay daarantahay Maamuuska ardayda kaalmaha hore ka gashay imtaxaanaadkii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedkan laba kun afar iyo toban laba kun shan iyo toban ee dhiganaayay Dugsiyada hoos imaada Dalada Al Huda ee ay aasaastay Haayatal. Dacwatul Islaamiya, Dhamaantiin waxaan idin ku soo dhawaynaynaa Xalfadan Ay soo qabanqaabisay Haayatal Dacwatul Islaamiya

 Maamulaha Dugsiga Sare ee Al Huda Cabdisamad Yuusuf Guleed oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Runtii farxad aan la koobi Karin ayaa I tahay waxaan halkan ka hambalyeynayaa Ardayda kaalmaha wax ku oolka ah ka soo hoyisay imtaxaankii Sanad Dugsiyeedka arday kalana maah waa Iskuulada hoos Imaada Dalada Al Huda waxaan idin leeyahay Hambalyo waxaan si gaara u hambalyaynayaa Ardayda Dugsiga sare ee Al Huda waxa kale oo aan si Gaara u hambalyaynayaa Al Huda Dugsiga Hoose iyo dhamaan Dugsiyada kale oo dhan.

Dugsigan Al Huda ee sare waa Dugsi u qalabaysan sida dugsiyada horu maray eek u yaal dalkeena waxaan runtii ku diyaara macalimiin taydo sare leh oo anaan qabiil iyo xaafad midna ku qaadan oo imtixaano u soo galay iskuulkan ay dhigayan waana macalimiin aanu ku kolsoonahay .

 Guddoomiyaha Fulinta Hay’adda Al Huda Sheekh Cabdinaasir Iid oo isna Munasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan Maanta (Shalay), halkan u fadhinaa ardayda kaalmaha hore ka gashay imtaxaanadkii shahaadiga ahaa ee fasala afraad iyo sideedaad oo guulo waxa ku ool ah ka soo hoyiyay dhamaantood waan u hambalyeynayaa ardaydan dadaalka intaas leeg gahsay”

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyana munaasibadaas ka hadashay ayaa amaan balaadhan u soo jeedisay Ardaydan, waxayna balanqaaday in Afartii Arday ee ugu sareeysay ay deeq waxbarasho ka siin doonto Jaamacadeeda waxayna  tidhi“ Maanta (Shalay) aad ayaan u faraxsanahay waayo waxaan arkayaa waxaas oo awlaad ah oo waxa ka baranasa dugsiga Al Huda ama dugsiyada hoos taga, sido kale waxan ku farxsanahay ardayda kaalmaha hore ka gashay imtaxaanadkii Sanadkan, waxaan aniga ka adna ahaan balan qaadayaa in aan afarta arday ee ugu saraysa aan siin doono fursad waxbarasho oo jaamacadayda ah waa hadii ay diyaar u yihiin barashada caafimaadka .

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa  yidhi “Waa wax lugu farxo arday inteen leeg ee wax ka baranasa Dugsiyada Al Huda hoos taga waxan ku dardaarayaa waxaad tihiin arday akhlaaq wax lugu baray waliba kitaabka ALLE Waxa lugu baray in aan halkaa ka soo dadashaan ayaan doonaya.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, oo isna Munaasibaadaas ka hadlay ayaa ardayda dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey waxaanu ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan dadaalka

 Wasiir u dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Nuur Faahiye iyo Agaasimaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay  Muuse Maxamed Shide Ayaa iyana si isku mid ah  u bogaadiyay ardayda dhigata iskuuladka hoos taga Al Huda

Gabgabdii waxa halkaasi Abaal marino kala duwan oo iskugu jira Dahab iyo lacag lugu gudonsiiyay Ardayda Kaalmaha hore ka gashay Imtaanaadkaasi kuwaas oo isugu jiray Gabdho Iyo Wiilal