Hargeysa (Geeska)- Muwaadiniinta dalalka loo yaqaanno kuwa soo-koraya dhibaatooyinka tirada badan ee haysta, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka waxaa ka mid ah cudurka macaanka iyo khalkhalka nafsiga ah, xanuunnadaas oo khubaradu ay u sibir saarayaan warwarka, sakatiga iyo xaaladaha taban ee nafsiga ah oo aad ugu badan dadyowgan, sidaa waxaa lagu ogaaday daraasad uu sameeyey cilmi baadhe ka tirsan jaamacadda Philips ee dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Peter Herbert Cannon.
Daraasad ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacaddan oo uu hor kacayey Cannon ayaa lagu ogaaday in dadka reer baadiyaha ahaa ee ka taga nolosha ay qabatimeen ee miyiga ee u soo guura nolosha magaalooyinku ay inta badan la kulmaan xaalado nafsi ah oo taban, uguna weyn tahay warwar iyo sakati kaga dhaca kalsooni darrada ay ku qabaan qaabka ay noloshoodu is beddelka kadib noqonayso iyo sida ay ula jaan-qaadi karaan bay’ada iyo nolosha cusub. Daraasaddu waxa ay sheegtay in dadkan inta badan lagu arko kor u kac weyn oo ku yimaadda heerka Hormoonka Cortisol loo yaqaanno oo uu jidhku aad u soo daayo marka uu qofku xaaladahan oo kale ku jiro, taas oo iyaduna kor u qaada khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco cudurka macaanka oo muddooyinkii u dambeeyey si muuqata ugu sii badanaya dadka dunida soo koraysa (Dalalka faqiirka ah).
Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Ash-Sharq Al-Aawsat ayaa intaas ku daraya in cilmi baadhayaasha daraasaddan sameeyey ay baadhitaan iyo tijaabo cilmiya ku eegeen koox dad u dhashay dalka Namibia ah oo marka hore deggenaan jiray miyiga kadibna u soo guuray nolosha magaalada, waxaana u soo baxday in dadkaas boqolkiiba 28 ka mid ahi ay qabaan dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin xanuunka macaanka, iyo khalkhal ku dhaca dhaafshiidka, heerka sonkorta dhiigga, iyo dheecanno kale oo muhiim u ah jidhka. Laakiin markii la eegay natiijada baadhista lagu sameeyey dadkan intoodii ku negaatay noloshoodii miyiga waxaa soo baxday in xaaladahan caafimaad darro aad ugaga yar yihiin kuwaas u guuray magaalooyinka.