Dacwada Wargeyska Ogaal Iyo Madaxtooyada Oo Maanta Ka Furmaysa Maxkamadda

0
654

Hargeysa(Geeska)-Waxa maanta la filayaa inay maxkamadda Hargeysa ka bilaabanto dacwada ay madaxtooyada Somaliland ku soo oogtay wargeyska Ogaal ee madaxabanaan.

1

Dacwadan oo ay maxkamadu mudaysay inay maanta furanto, ayaa waxa sida ay warbaahintu baahisay wargeyska ku soo oogay qoyska Madaxtooyada,  waxaana wargeyska lagu haystaa laba warbixintood oo uu qoray sannadkii hore ee 2015.

Dadweynaha reer Somaliland iyo bulshada caalamka ee arrimaha xuquuqal insaanka ayaa isha ku haya dacwadan oo ah mid xaasaasi ah.