Cumar Cabdirashiid Oo Xasan Sheekh Ku Diiday Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
656

Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha dawladda Somaliya Cumar Cabdirashiid, ayaa ka soo horjeeda wada hadalada dawladda Turkigu dhexdhexaadinayso ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya.

1

Sida ay qortay jariirada caanka ah ee Indian Ocean, Cumar Cabdirashiid, wuxuu si cad u muujiyay inuu ka soo horjeedo qorshaha dawladda Turkiga, waxaanay arrintani muujinaysaa sida ay u kala aragti duwanyihiin Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaarihiisu.

Warku wuxuu intaas ku daray in kulamada toddobaadkan dhammaaday dalka Turkiga uga socday aqoonyahano ka soo kala jeeda Somaliland iyo Somaliya, uu Cumar Cabdirashiid si qayaxan u diiday isagoon marna la gaban aragtidiisa.

Wargeysku, wuxuu sheegay inuu muuqdo kala fogaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Cumar, kaas oo la xidhiidha doorashada Somaliya ee qabsoomaysa dabayaaqada sanadkan oo laga yaabo inuu Cumar ka mid noqdo murashixiinta la baratami doonta Xasan Sheekh Maxamuud.